Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddoomiye Mursal oo shir uga qeyb-galaya Johannesburg (Sawirro)
    Somalia

    Guddoomiye Mursal oo shir uga qeyb-galaya Johannesburg (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

    Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona.

    Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Amb: Jamaal Maxamed Barrow oo soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu yahay dal muhiim u ah Soomaaliya.

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha kale ee Safaaradda soo dhoweyntooda diiran,isagoona dhanka kale sheegay in ujeedka ay u soo gaareen Koonfur Afrika ay tahay iney ka qeyb galaan shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka dhici doona dalkaasi,socon doonna 6 ilaa iyo todobada bishan.

    Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Qaxootiga Afrika.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.