Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka oo la Magacaabay
    Somalia

    Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka oo la Magacaabay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 2, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, January 02, 2024: Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Xasan Cabdalla Xasan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Ugu horeyn, waxaa Maxkamadda Sare ee Puntland dhaarisay xubnaha Golaha Wakiillada ee ka maqnaa kulankii dhaarinta ee shalay, kuwaas oo dhamma 8 xildhibaan, waxaana sidaa ku dhamaystirmay 66-da xildhibaan ee Goluhu ka kooban yahay.

    Intaas ka dib, waxaa Guddoomiyaha Ku meel gaarka ahi Golaha la wadaagay in loo diyaar garoobo Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerkhoosaadka Golaha Wakiillada DPL, wuxuuna magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada, iyadoo Guddiguna Golaha la wadaagay Habraaca Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada oo ku asteysan khamiis, 04/01/2024, haddii eebbe idmo.

    Ugu dambeynt, Guddoomiyaha Ku meel gaar ah ah ee Golaha Wakiillada ayaa fadhiga soo xiray isagoo dadweynaha Puntland ugu baaqay in laga wada shaqeeyo xoojinta Amniga, laguna kalsoonaado Baarlamaanka 6-aad ee Golaha Wakiillada.

    DHAMMAAD.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.