Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudiga Doorashooyinka Fadaraalka Oo ka jawaab celiyay dalabkii beesha caalamka
    Somalia

    Gudiga Doorashooyinka Fadaraalka Oo ka jawaab celiyay dalabkii beesha caalamka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jawaab ka bixiyay war ay soo saareen Beesha Caalamka, kaas oo ku aadanaa arrimaha doorashooyinka dalka.


    War saxaafadeed ay soo sareen guddigu, oo ka koobnaa ilaa 6 qodob ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:-

    Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu ka mahadcelinayaa taageerada beesha caalamka iyo ka go’naanta ay u muujiyaan inay garab istaagaan Guddiga iyo howlgalka doorashada.

    Guddigu wuxuu caddaynayaa in uu diyaariyay howlaha farsamo ee muhiimka u ah u diyaar garawga hirgelinta doorashada. Wuxuu guddigu rajaynayaa in arrimaha muhiimka u ah doorashada lala garab istaago sida diyaarinta miisaaniyadda doorashada, sugidda amniga goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta,

    Dhamaystirka sharciyada lagama maarmaanka ah gaar ahaan sharciga doorashooyinka in Golaha Shacabku ansixiyo waqtigii lagu ballamay si uu saldhig ugu noqdo qabya tirka xeerarka doorasho ee na horyaal.

    Guddigu wuxuu rajaynayaa in nidaamka doorasho ee ku soo baxa sharciga uu noqdo mid la fulin karo isla mar ahaantaana tixgelin gaar ah la siiyo arrimahan soo socda marka go’aan laga gaarayo nooca doorashada iyo nooca diiwangelinta ee la ansixinayo:

    1. In nooca doorashada la waafajiyo mabaadida Dastuurka JFS, iyo Sharciga Axsaabta

    2. In hirgelintiisu ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta ka qaybgalaya doorashada (tartame iyo codbixiye).

    3. In aan GMDQ la saarin mas’uuliyad fulinteedu adagtahay sida soo saaridda habraaca astaynta deegaan doorashada iyo dhowrista qoondada dumarka.

    4. In nooca doorasho uusan horseedin khilaaf iyo dagaal, ilaaliyana midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

    5. In uu ilaaliyo xaquuqda dhallinyarada, dadka baahiyaha gaar ah qaba iyo dadka aan hadda baarlamaanka metelaad ku lahyn.

    6. In GMDQ la siiyo fursad uu ku xulan karo nooca diiwangelinta codbixiyaha haddii uu arko in uu la jaanqaadi karo duruufaha ku xeeran ama saamaynta ku yeelan kara hawlaha doorashada.

    Ugu dambayn waxaan codsanaynaa in Guddiga lagu garab istaago waajibaadkiisa dastuuriga ah, lana siiyo tixgelin duruufaha uu ku shaqaynayo

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.