Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudiga Joogtada ah Baarlamaanka oo amray in dib loo celiyo nuqulada heshiiska Madasha Wadatashiga Qaran
    Somalia

    Gudiga Joogtada ah Baarlamaanka oo amray in dib loo celiyo nuqulada heshiiska Madasha Wadatashiga Qaran

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 11, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Juun 11, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka 2-aad ee aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay warbixinta guddiga loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga seddaxaad.

    Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka,ayaa dood ka yeeshay soo-jeedinta guddi hoosaadka loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga 3-aad, iyagoona isku raacay markii ay wax ka bedel ku sameeyaan ajandeynta kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka BJFS, kaas oo ah dhageysiga warbixinnada wasiiradda, la xisaabtanka Xukuumadda iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah.

    Dhanka kale Guddiga,ayaa si adag uga horyimid hanaanka uu soo maray Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, kaas oo Guddiga Kor-joogteynta iyo La-socodka Dib u eegista Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ku wareejiyay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen. Guddiga ayaa isla gartay in Guddoomiyaha Guddiga uu dib ugu celiyo nuqulada warbixinta uu maanta la wareegay,islamarkaana la soo marsiiyo habraaca gudbinta heshiisyada iyo hindise sharciyeedyada si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.