Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guterres “ Soomaaliya waxay samaysay horumar lakiin weli waxay la tacaalaysaa xagjirnimo “
    Somalia

    Guterres “ Soomaaliya waxay samaysay horumar lakiin weli waxay la tacaalaysaa xagjirnimo “

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 21, 2019Updated:May 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Soomaaliya waxay horumar ka sameyneysaa dhismaha dowladnimada laakiin waxay wali la tacaaleysaa inay wax ka qabato xagjirnimada, argagixisada, dagaallada sokeeye, xasillooni darrida siyaasadeed iyo musuqmaasuqa sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres loona gudbiyey golaha ammaanka isagoo intaas ku daray in caqabadahaan ay muujinayaan jilcanaanta horumarrada illaa hadda gaaray.

    Kaddib 30 sano oo dagaallo sokeeye ah, weerarro argagixiso iyo macluul, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad ku-meel-gaar ah sannadkii 2012kii illaa haddana waxaa laga shaqeynayey sidii dib loogu soo celin lahaa xasilloonida. Laakiin Guterres ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee dalka ay wali jilicsan tahay. Wuxuu intaas ku daray in intii u dhaxeysay bartamihii December iyo horraantii May Alshabaab ay weerarro xooggan ku qaadeen xarrumo ciidan, saraakiil dowladda ka tirsan, ciidammada ammaanka iyo sidoo kale baarar caan ah iyo hoteello sida uu sheegay xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

    Guterres wuxuu sheegay in bilihii March iyo April ay aad sare ugu kaceen weerarrada ka dhacay Muqdisho iyadoo qaraxyada lagu xiro gawaarida ay si maalinle ah u dhacayeen. Bishii March ayuu sheegay inay dalka oo dhan ka dhaceen 77 qarax, Guterres wuxuu sidoo kale xusay inay kor u kaceen weerarrada loo adeegsado hoobiyaha taasoo caddeyneysa ayuu yiri sida Alshabaab ay u horumariyeen awoodda ay ku weerari karaan bartilmaameedyadooda. Xoghaye Guterres wuxuu sheegay in weerarrada loo adeegsado Ismiidaaminta ay wali iyaguna socdaan.

    Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu carrabka ku adkeeyey inay jiraan hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo iyo tiro duqeymo dhanka cirka ah oo lala beegsaday saldhigyo ay Alshabaab ku tababartaan kuwaasoo la rumeysan yahay inay ahaayeen goobo ay iska soo abaabulaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.