Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hadii Caqligu shaqayn waayo Caadifadaa talin.WQ.C.C Warsame.
    Somalia

    Hadii Caqligu shaqayn waayo Caadifadaa talin.WQ.C.C Warsame.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 24, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Haddii aad u kuurgasho shirkii beesha Kuumade ee Kismaayo sanadkii hore ka dhacay, kii Habargidir ee Hobyo lagu qabtay, kulankii Beesha Xawaadle ee Hotel Giyaajo, shirka watashiga Mudullood ee Muqdisho ka furmay, gogosha beelaha Puntland ee Garawe ku ballansan, iyo qaylo dhaanta Somaliland ee loo isticmaalay qunbuladda Abiy Axmed, waxey isaga mid yihiin tabashada ay ka qabaan Dowladda Federaalka ah ee maanta jirta iyo dowladdii oo kaalintii beelaha buuxin weysay.

    Sidan oo kale beelahani markii ay saluugeen xukunkii millateriga ahaa, loona diiday masaaxad siyaasadeed oo ay fikirkoooda ku cabbiraan, cabashadoodana ku tebiyaan ayey furteen jabhado (SSDF, SNM, USC, SPM), waxeyna rideen rajiimkii miltariga ahaa ee dalka 21 sano xukumayey. Beelaha kale ee Soomaaliyeed na intooda badan waxey la kala safnaayeen jabhadaha iyo rajiimka.

    Waxaa maanta muuqda taariikhdii oo mar kale dib isku soo celinaysa. Qolada xukunka heysata iyo taageerayaashooda waxey rumaysan yihiin in maquuniska beelaha tun waynida sheeganaya ay awoodda dowladeed xoojinayso, halka qabiilladani aaminsanyihiin in iyaga la’aantood aysan dowladi xoogaysan karin, qaranna dhismi karin.

    Tabashada ma qabaan beelahan oo keli ah. Waxaa jira beelo kale oo tabasho ka qaba beelahan qudhooda oo sidaas Al-Shabaab ugu biiray, ama rajiimka haatan talada hayana sababtaas ku taageersan.

    Way dhici lahayd in la isku gacan qaado, laakiin waxaa miisaanka dheellitiraya cududda ciidan ee AMISOM, Al-Shabaab oo cid walba cadow u ah iyo daal laga qabo waayihii qaraaraa ee ina soo maray.

    Haddii daandaansiga iyo san fara ka gelintu sii socoto, lana yiraahdo jaranjaradii xukunka lagu fuulay waa la qaaday, si looga dagana ma jirto, sharci iyo dastuurna daaqadda ayaa laga tuuray, waxaa hubaal ah in ay u badan tahay in ragga Villa Somalia jooga ee bambo gacmeedka gaanjadiisu furan tahay la wareegaya, cid walbana ku guulguulaya, kuna faanaya in qolooyin sheeganaya in ay taangiyaal yihiin ku baacsadeen ay bambadu goor ay ahaataba nagu wada qarxi doonto.

    Su’aashuse waxey tahay ma is wada badbaadin karnaa? mise waxaan laga baaqsan karin in aan mar kale qarax ismaadiis ah ku wada dhimano ?.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.