Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Halkee ka imaanayaan Ciidamada Shisheeye Ee Somaliya kusoo wajahan?
    Somalia

    Halkee ka imaanayaan Ciidamada Shisheeye Ee Somaliya kusoo wajahan?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 17, 2024Updated:February 19, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waa wax lasii ogaa in ay adag tahay Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka in ay ka maarmaan Ciidamo Shisheeye oo ilaaliya Xarumaha Dowlada iyo goobaha adeega Bulshada sida garoomada iyo Dekedaha.

    Haatan si cad ayay usoo baxday in marka uu dhamaado wakhtiga loo qabtay in ay Wadanka uga baxaan Ciidamada Atmis in la keeno kuwo hor leh oo yeelan doona Magac iyo waajib cusub.

    Ciidamadaas,waxaa ku jiri doona 2000 oo Boolis Ugandhays ah,mase cada in Wadamo Afrikaan ah ay kawada koobnaan doonaan,waxaase jira xogo sheegaya in Wadamo kuwo R.Galbeed ah ay ku jiraan.

    Tiradooda,waxaa ku sheegay La taliyaha amniga Qaranka ee MW Xasan 3-8-kun oo Askari.

    Halkaa,waxaa ku fashilmay qorshihii amniga Qaranka ee Somaliya ee salkiisu ahaa dib u istaajinta Ciidan Qaran oo Somaliya yeelato,kuwaasoo hanta Amniga guud ee Wadanka.

    Heshiiska Iskaashi ee Maraykanka iyo Somaliya,wuxuu ka dhigan yahay,isaguna in aan la dhisayn dhawaan Ciidan Qaran oo Somaliyed,taa badalkeeda Maraykanku sii taageero Ciidamada Somalida ah ee uu Gacanta ku hayo.

    Jug jug meeshaada joog haba yaraatee majirto wax horumar ah oo la sameeyay.

     

    PL hadaan nahay,waa in aan nalaga xigsan dhanka Galbeedka oo aan haysanaa doorkeenii la macmiilka Reer Galbeedka ee Somaliya.

    Maraykanka markan,waxaa ka go'an in uu Somaliya Dowladnimadeeda istaajiyo,isagoo tiisa ka dhex arkay,taasina waxay ubaahan tahay la jaan qaadid.

    JQ pic.twitter.com/E5Ttj8u9fy

    — Jibril Qoobey (@jibril_qoobey) February 16, 2024

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.