Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo xiray Xafiiska Maaliyadda ee Hay’adda NISA & Dhaqaale la lunsaday (Xog+Sawirro)
    Somalia

    Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo xiray Xafiiska Maaliyadda ee Hay’adda NISA & Dhaqaale la lunsaday (Xog+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 17, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa xiray illaa amar dambe Xafiiska Maaliyadda Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Iyadoona uu haatan ku socdo baaritaan culus.

    Hanti-dhowrka guud ayaa baaritaan ku billaabay xafiiskan, kaas oo la sheegay inay ku maqan tahay lacag Malaayiin Dollar ah, oo ah Mushaharka shaqaalaha Hay’adda NISA.

    Wararka ayaa Sheegaya in Shaqaalaha iyo Ciidamada Hay’adda NISA, ay qaateen hal bi loo kaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii October ee sanadkii tagay ee 2018-ka, xiligaas oo Hay’adda uu si KMG ah ula wareegay Fahad Yaasiin, kaddib markii uu is casilay Xuseen Xasan Xuseen oo ahaa Agaasimaha NISA.

    Ilo wareedyo ayaa Sheegaya in Ciidamada Gaashaan iyo Waran oo qeyb ka ah Hay’adda NISA ay yihiin Ciidamada kaliya ee sida tooska ah u qaadanayay Mushaarkooda oo uu bixiyo Mareykanka, halka Ciidamada dhar cadda iyo Shaqaalaha kale ee NISA aysan helin Xaquuqdoodii.

    Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Mushaarka Ciidamada NISA, si toos ah looga soo qaadayay bil walba Bangiga dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Iyadoona aan la ogeyn halka ay lacagtaasi aaday.

    Ilo wareedyo ka agdhow xarunta ayaa ku waramaya in Lacag maqan illaa bishii October ay ku jirto lacag lagu soo qaaday liiska Magacyada Ciidamadii hubeysnaa ee NISA oo haatan lagu biiriyay Booliska Soomaaliya. Hanti-dhowrka ayaana amray inaan la furi Karin Xafiiska Maaliyadda wax lacag ahna lagala soo bixi Karin illaa laga soo gaba-gabeynayo Kiiska.

    Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka ku leh 12 Milyan oo Dollar, taas oo ah lacagtii ugu badneyd ee abid ay NISA ka hesho Miisaaniyadda Dowladda.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.