Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hanti-dhowrka Puntland oo soo bandhigay baaritaankii Wasaaradda Cafimaadka+Sawirro
    Somalia

    Hanti-dhowrka Puntland oo soo bandhigay baaritaankii Wasaaradda Cafimaadka+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland Jama Farah Hasan ayaa maanta xarunta wasaarada kaga qaybgalay soo bandhigida waxa ka soo baxay baaritaankii mudo todobaad ah Hanti Dhawrka Puntland ka waday wasaarada.

    Waxaa sidoo kale kulanka Joogay agaasimaha guud ee wasaarada iyo dhamaan agaasimayaasha waxyaaha kala duwan.

    Gudoomiyaha hanti dhawrka Abdirisaaq cumar Farah ayaa hogaaminayay kooxda ka sootay Hanti dhawrka kulanka lagu soo bandhigayay baaritaanka Hanti dhawrku ka sameeyeen sanadkii 2018ka wasaarara caafimaadka Puntland

    Gudoomiyaha hanti dhawrka Puntland Abdirisaaq Cumar Farah oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in hanti dhawrka uu qorshaha cusub ee uu ku shaqaynayo ay noqotay in marka hore warqad la geeyo xarunta la baarayo marka la dhameeyana la soo bandhigo xogta ka soo baxday baaritaanka.

    Kooxda ka socotay hanti dhawrka ee sameeyay baaritaanka ayaa soo bandhigay wasaarada baaritaankii lagu sameeyay ay sidii ugu wanaagsanayd uga qabteen shaqooyinkii la rabay waaxyaha kala duwan ee wasaarada sanadkii 2018 balse ay jiraan waxyaabo u baahan bogaadin iyo wax yaalo yaryar oo u baahan sixid farsamo.

    Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dr Abdirisaaq hirsi hasan oo soo bandhigida baaritaanka kadib kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay in hanti dhawrku ay la wadaagaan waxa ka soo baxay baaritaanka ay ku sameeyeen wasaarada.

    Agaasimaha ayaa qiray in waxyaabaha la soo bandhigay qaarkood ay wax dhici kara yihiin farsamo ahaana ay udhaceen uuna rajaynayo in 2019 ay ka wanaagsanan doonto 2018 xogta ka soo baxday.

    Wasiirka wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland Jama Farah Hasan oo soo gunaanaday kulanka ayaa soo dhaweeyay bogaadiyayna baaritaanka la sameeyay lalana wadaagay xogta ka soo baxday.

    Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanku uu yahay mid loo baahanyahay waxaana u arkaa in wax lagu saxayo, waxaana rajaynayaa in wixii farsamo ahaan udhacay 2018 inaan sixi doono 2019.

    Ugu danbeyn wasiirka waxa uu u mahadceliyay hanti dhawrka waxaana uu balan qaaday inay si wangsna u wada shaqayn doonaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.