Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hawlgalka Atmis Ee Somaliya oo loo la’yahay dhaqaale
    Somalia

    Hawlgalka Atmis Ee Somaliya oo loo la’yahay dhaqaale

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 23, 2023Updated:March 24, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Midowga Afrika ayaa Arbacadii dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

    Danjire Bankul Adewe oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa laba wariye u sheegay in 19,600-askari oo ka tirsan Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawin doonin Soomaalida, haddii aan dhaqaale loo helin.

    Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

    “Haddii ciidamada Midowga Africa aysan helin dhaqaale ay si hufan ugu howlgalaan 21-ka bilood ee soo socda ka hor inta aysan masuuliyada amniga wareejin, waxa ay la macno noqon kartaa in al-Shabaab ay ugu dambeyn la wareegi doonto mas’uuliyadda dowladnimo ee Soomaaliya.” ayuu yiri Danjire Bankul Adewe.

    Waxa uu sheegay in mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee dhibaatada dhaqaale ee Midowga Afrika ay tahay in 60 milyan oo dollar oo Midowga Yurub uu ka dhimay dhaqaalihii uu ku bixin jiray sababo la xiriira waxa uu ugu yeeray ‘dano tartamaya.”

    Adeoye ayaa ka qaybgalay kulan heerkiisu sarreeyay oo ay kasoo qeyb galeen waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsanaa maalgelinta ATMIS.

    Wuxuu rajo ka muujiyay in dhammaan dalalkan ay gacan ka geysan doonaan taageerada dhaqaale ee $89 milyan ah, gaar ahaan dalalka Khaliijka iyo Midowga Yurub.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.