Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo ka walaacsan in dib loogala laabto Maamulka Hawada.
    Somalia

    Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo ka walaacsan in dib loogala laabto Maamulka Hawada.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 7, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo saddon sano kaddib ku guuleysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya ayaa wal wal ka qabto in markale dib loogala wareego maamulka Hawada.

    Mudane Axmed Macalin Xasan Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa xusay in shirciga duulista rayidka ay wax badan uga xiranyahay howlaha hay’adda duulista.

    “13 ka bishan waxaa Nairobi ka dhici doono shir looga hadlayo Hawada Soomaaliya, anagoo ugu horeyn nala wey diin doono sharcigii duulista Hawada” ayuu yiri.

    Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Shacabka in 4-tii bishan ay meel mariyeen sharciga Duulista rayidka ee Hawada, waxaana uu Xildhibaananda Golaha Aqalka Sare ka codsaday inay sharciga ansixiyaan, maadaama uu muhiimad gaar ah u leeyahay guud ahaan Soomaaliya.

    Mudane Axmed ayaa tilmamay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay hadda soo saartaa 22 milyan, haddii sharciga la ansixiyana ay hay’adda soo saari doontaa ku dhawaad 50 milyan oo doolarka Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.