Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hay’adda PDRC: Dadka Puntland waxay diyaar u yihiin nidaamka Xisbiyadda Badan
    Somalia

    Hay’adda PDRC: Dadka Puntland waxay diyaar u yihiin nidaamka Xisbiyadda Badan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 6, 2019Updated:July 6, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda Hormarinta iyo Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa diraasad ay soo bandhigtay ku sheegtya in hirgelinta Nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ay ku xirantahay tayada iyo xalaalnimada guddiga doorashooyinka Puntland ee la soo magaabi doono kadib markii guddigii hore is wada casilay.

    Hay’adda ayaa diraasaddeeda ku sheegtay in ay adagtahay  bulsho ku dhisan qabiil in laga dhex sameeyi xisbiyo siyaasadeed oo leh mabaadii’ cad-cad

    Halkaan hoose ka akhriso diraasadda oo dhan

    Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan waxay ku xiran tahay “Tayada” iyo “Xalaalnimada” Guddiga Doorashooyinka ku-meel-gaadhka ah ee Puntland ee laga dhawrayo hay’adaha fulinta iyo xeerdejinta. Sawirka uu yeesho Guddiga cusubi ayuu nidaamkuna yeelan doona.

    Daraasadda la sameeyey waxa ay asteysay in 
    ay jiraan fursado wax ku biirin kara dib-u-soo 
    celinta iyo ka mira-dhalinta geeddi-socodka 
    dimuqraaddiyadda Puntland.

    Ka go’naanshaha Guud ee Dawladda (General government commitment)

    Puntland Development Research Center-PDRC dadkii ku waraystay daraasadda waxa ay ku baraarugsanaayeen sida ay u adag tahay in bulsho ku dhisan qabiil laga dhex sameeyo xisbiyo siyaasadeed oo dhab ah oo leh mabaadii’ cadcad.

    Dadka waxa la su’aalay, “maxay yihiin fursadaha jira ee dib loogu billaabi karo geeddi-socodka dimuqraaddiyadda?” Guud ahaan, iyada oo maamul cusub talada hayo, ka qayb-galayaashu waxa ay muujiyeen kalsooni in ay ku qabaan dib-u-bilaabidda hannaanka dimuqraaddiyadda:

    “Maamulka hadda jirta waa in uu saxo khaladkii uu galay maamulkii ka horeeyey iyo in uu ka faa’iidaysto wakhtiga uu haysto” – Xawo Cabdi Jamac (Qurba-joog Gaalkcayo).

    “Maamulka cusub waxa uu haystaa casharro muhiim ah oo laga bartay khibraddii hore, wakhti ku filan iyo bulshada oo diyaar u ah dib-u-bilaabidda hannaanka dimuqraaddiyadda” – Axmed Khaliif Cabdulle (Galdogob).

    Dadkii ka qayb-galey daraasadda waxa ay dareensanaayeen in maamulka cusub ballan-qaaday in uu dardar-gesho, dhamaystiri doonana, geeddi-socodka dimuqraaddiyadda. Sida ay qiyaasayeen, khibrad dhab ah iyo waaya-aragnimo ayaa laga dhaxlay doorashooyinkii la joojiyey 2013-kii, taas oo saldhig u noqon karta go’aannada dambe ee dawladda.

    Taageerada Dadka 


    Dadka ka qayb-galey daraasadda, iyo bulshada guud ahaan, aad ayey u taageersan yihiin dimuqraaddiyadda, ayaga oo aqbalsan fikradaha iyo mabaadii’da dimuqraaddiyadda, haddiiba ay waafaqsan tahay diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban.

    Sannadihii u dambeeyey, wacyiga bulshada dhanka dimuqraaddiyaddu kor ayuu u kacay. Wakhtiga hadda ah, dadku si weyn ayuu u danaynayaa geeddi-socodka dimuqraaddiyadda iyo fikradaha iyo mabaadii’da dimuqraaddiyadda.

    “Waxa aan xasuustaa wakhti yar ka hor in dimuqraaddiyadda oo laga hadlaa ay ka dhignayd in diinta la caayey. Haddana 
    waa hab siyaasadeedka aan hiigsaneyno.”
     
    – Cumar Aadan Cabdulle (Xubin golaha degaanka Galdogob)

    Isbeddelka ku dhacay aragtida dadka waxa uu ka dhashay olole ay jileyaal kala duwan ku qaadeen kobcinta wacyiga ummadda xilligii ay soo dhawaadeen doorashooyinkii la isku dayey in la qabto; jileyaashaas oo ay ka mid ahaayeen ururrada bulshada rayidka ah, dawladda, ururrada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.