Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Heshiiska DFS iyo Turkiga oo Qaranimada Somaliya khatar ku ah
    Somalia

    Heshiiska DFS iyo Turkiga oo Qaranimada Somaliya khatar ku ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 8, 2024Updated:March 8, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Heshiis Guud oo Shidaal ayay kala saxiixdeen Somaliya iyo Turkiga,ayaa iskugu jira Gaaska iyo noocyada kale ee Tamarta.

    Heshiiskan,ayaa ka yimid kii hore ee duuduubka ahaa oo iskugu jiray difaaca iyo Kheyraadka,balse aan la shaacin.

    Asalka heshiiska,ayaa ah baaritaan guud oo iskugu jira soo saarista,sifeynta,dhoofinta, iyo iibgeynta shidaalka,Bad iyo Dhulba.

    Dowlada Turkiga,ayaa hawshaas si guud umaamuleysa.

    Waxaa kaloo jira heshiisyo kale oo ay wada galeen DFS iyo Turkiga oo iskugu jira Beeraha, Kalluumaysiga, Xoolaha nool iyo Dalxiiska.

    Dhaliisha heshiiskan?

    Waxa uu Somaliya gelin karaa dagaal udhaxeeya Quwado waa weyn oo khatartiisa leh,waxaana haatanba si weyn uga carooday Midowga Yurub iyo Wadamada Khaliijka.

    Sidoo kale heshiiskan,wuxuu macno tiray Madaxbanaanida iyo isku filnaansha Qaranimo ee Wadanka.

    Heshiiskan,waxaa lagu tilmaami karaa mid caadifad lagu galay oo aan aad looga baaraan dagin laguna salayn aqoon kororsi iyo isku filnaansho.

    Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay?

    Hadii hoggaanka Turkiga isku badalo mid aan ogolayn waxa socda,iyadoo meel dhexe ay wax marayaan soo ma imaan karaan shuruudo dhib ku ah Somaliya?

    Hawlaha Turkiga lala wado waa kuwo si laab lakac ah oo caadiifad ku jirto wax walba gacanta loogu galiyay,halka ay ahayd in aqoon kororsi iyo isku filnaansho loo raadsado.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.