In ka badan 20 Wadan Madaxdoodii oo ay ugu horeeyaan Maraykanka, Turkiga,Qatar iyo Masar,ayaa kuwada saxiixay Sharma Shiikh damaanadqaadka Wajiga 1-Aad ee heshiiska lagu soo afjarayo colaada Qasa ee Israa’iil iyo Xamaas.
Sida uu sheegay Mw Trump Wajiga Labaad ee heshiiskan,ayaa socda oo la diyaarinayaa.
Waa bilow wanaagsan oo Xabadii,waa istaagtay,waana lasii daayay Maxaabiistii labada dhinac.
Balse maalamaha danbe wada xaajoodku,waa kasii adkaan doonaa Maanta oo waxaa loo gudbayaa Wajiyada adag…..
1.Ciidamada caalamiga ah ee imaanaya tiradoodu waa meeqa,halkee ka imaanayaan,doorkoodu muxuu noqonayaa iyo Israa’iil see uwada shaqaynayaan.
2.Xamaas sidee Hubka looga dhigayaa oo ay uwareejinayaan maamulka Qasa.
3.Sidee noqonayaa Mashruuca dib udhiska Qasa.
Si kastooy tahay,waa bilow fiican iyo maalmo Trump muujiyay awoodiisa hogaamineed iyo saamaynta Maraykanka ee caalamka.