Dowlada Iiraan ayaa sheegtay hadda ka dib in aysna u xayirnayn xayiraadihii saarnaa barnaamijka Nukliyeerka, maadaama heshiiskii tobanka sano socday ee taariikhiga ahaa ee ay la gashay quwadaha caalamnka uu ku ekaa ama dhacay Sabtida.
Wasaarada arrimaha dibadda Iiraan ayaa bayaan ka soo baxay lagu sheegay in xaddidaahihii la isla meel dhigay sanadkii 2015 aysan hadda shaqaynayn, inkasta oo Tehran ay weli si buuxda uga goโan tahay in xal diblomaasiyadeed la gaaro.
Bishii Juun ayay burbureen wadahadalo dad badan oo u socday Iiraan iyo Maraykanka, ka dib weerarkii Israaโiil iyo Maraykanka ay ku qaadeen xarumaha Nukliyeerka Iiraan.
Iiraan ayaa hakisay galitaanka kormeeraaasha xarumaha nukliyeerka, iyada oo ku dhawaaqday inay dib u bilaabayso bacraminta yuraanyoomta. Waxaana jawaab ahaan cunaqabatayno caalami ah dib loogu soo rogay Iiraan.
Iiraan ayaa si joogta ah u beenisay inay doonayso samaysashada hubka nukliyeerka, uuna barnaamijkeedu yahay mid nabdeed oo ay u jeedkiisu yahay baahiyaha rayidka.
Xigasho:-BBC.