Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hey’adaha dib-u-eegista Dastuurka iyo Beesha Caalamka oo ku shiray Muqdisho+Sawirro
    Somalia

    Hey’adaha dib-u-eegista Dastuurka iyo Beesha Caalamka oo ku shiray Muqdisho+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shir ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La socodka Dib u eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxa banaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay la yeesheen hay’adaha Beesha Caalamka ee ku lugta leh arrimaha dastuurka.

    Shirka oo ay ka soo qeyb galeen guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka labada guddi, madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin ka kala socotay UNSOM, Norway, Sweden iyo Switzerland, ayaa waxaa ugu horeyn shirka furay Wasiir Saalax Axmed Jaamac isagoo ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhameeystirka dastuurka.

    “Innaga ka wasaarad ahaan iyo labada guddi ee aan wada-sahqeeyno waxaan oran karnaa in boqolkiiba sideetan (80%) lagu guuleystay dhameystirka dastuurka kuwaa oo ah arrimaha u baahan farsamada qoraaleed, waxaa inoo dhiman waa arrimaha u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed oo iyagana aan ku rajo weynahay in la dhameeystiro horaanta sanadka soo socdo” ayuu yiri Wasiirka.

    Xubnihii mataleyay beesha caalamka ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka iyagoo ballanqaaday inay sii joogteyn doonaan taageerada ay ku bixyaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka. Waxay sidoo kale sheegeen in ay aaminsan yihiin seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka inay ka miro-dhalin doonaan geedi-socodka lagu dhameeystirayo dastuurka.

    Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo xubno ka tirsan labada guddi ayaa waxay sameeyeen soo jeedin ku saabsan qorshe howleedka seddexda hay’ad.

    Ugu dambayn, Wasiir Saalax oo soo xiray shirka ayaa beesha caalamka u mahadceliyay isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.