Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hey’adaha dib-u-eegista Dastuurka iyo Beesha Caalamka oo ku shiray Muqdisho+Sawirro
    Somalia

    Hey’adaha dib-u-eegista Dastuurka iyo Beesha Caalamka oo ku shiray Muqdisho+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shir ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La socodka Dib u eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxa banaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay la yeesheen hay’adaha Beesha Caalamka ee ku lugta leh arrimaha dastuurka.

    Shirka oo ay ka soo qeyb galeen guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka labada guddi, madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin ka kala socotay UNSOM, Norway, Sweden iyo Switzerland, ayaa waxaa ugu horeyn shirka furay Wasiir Saalax Axmed Jaamac isagoo ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhameeystirka dastuurka.

    “Innaga ka wasaarad ahaan iyo labada guddi ee aan wada-sahqeeyno waxaan oran karnaa in boqolkiiba sideetan (80%) lagu guuleystay dhameystirka dastuurka kuwaa oo ah arrimaha u baahan farsamada qoraaleed, waxaa inoo dhiman waa arrimaha u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed oo iyagana aan ku rajo weynahay in la dhameeystiro horaanta sanadka soo socdo” ayuu yiri Wasiirka.

    Xubnihii mataleyay beesha caalamka ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka iyagoo ballanqaaday inay sii joogteyn doonaan taageerada ay ku bixyaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka. Waxay sidoo kale sheegeen in ay aaminsan yihiin seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka inay ka miro-dhalin doonaan geedi-socodka lagu dhameeystirayo dastuurka.

    Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo xubno ka tirsan labada guddi ayaa waxay sameeyeen soo jeedin ku saabsan qorshe howleedka seddexda hay’ad.

    Ugu dambayn, Wasiir Saalax oo soo xiray shirka ayaa beesha caalamka u mahadceliyay isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.