Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo kasoo muuqday Muuqaal ay baahisay Kooxdu, una Hanjabay Mareykanka (VIDEO+Sawirro)
    Somalia

    Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo kasoo muuqday Muuqaal ay baahisay Kooxdu, una Hanjabay Mareykanka (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2019Updated:November 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaalka raggii weeraray 30 September Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle, waxaana muuqaalka ku jira Amiirka Al-Shabaab oo la dardaarmaya raggii weerarka geystay.

    Muuqaalkan oo soconaya ku dhowaad 50 daqiiqo ayaa amiirka Al-Shabaab waxaa uu farriin hanjabaad ah u diray Mareykanka, waxaa uu sheegay in xarunta ballidoogle ay tahay halka laga soo abaabulo weerarada Muslimiinta, kana soo duulaan diyaaradaha Drones.

    Abuu Cubeyda ayaa sheegay in hadafkooda ugu weyn uu yahay Saldhigga Ballidoogle ee Mareykanka.

    โ€œHadafka ugu weyn ee aan beegsaneyno waa Mareykan, Murtadiin hadda ma dooneyno, waxa aan u socono oo aan hadda beegsaneyno oo intaan dadaal ah loo sameeyey waa Mareykan, waxaana leydinka rabaa inaad howshaas iyada ah sugtaan oo aad Allaah u talo saarataanโ€ ayuu yiri Abuu Cubeyda.

    Inkastoo aan muuqaalkan lagu arkeyn wejiga Amiirka Al-Shabaab, hadana waxaa ka muuqday isagoo marxabeynaya oo xabadka gelinaya raggii weerarka ku qaaday Saldhiga Balli-doogle.

    https://www.facebook.com/somaliya.hanolato.77/videos/162075758222074/

    Al-Shabaab ayaa u adeegsaday weerarkii Balli-doogle gawaari qaraxyo ah, inkastoo gawaarida qaar la arkayay iyadoo la duqeeyay, ka hor inta aysan is qarxin, sidoo kale dagaalamayaasha weerarka qaaday ayaa la sheegay in la dilay, iyagoo aan gaarin goobihii ugu dambeeyay ee Saldhiga, waxaana ammaanka Saldhigga yahay mid aad u adag oo laga ilaaliyo goobo fog fog, isla markaana diyaarado kuwa wax basaasa ay dusha sare ka gaaf wareegaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.