Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo kasoo muuqday Muuqaal ay baahisay Kooxdu, una Hanjabay Mareykanka (VIDEO+Sawirro)
    Somalia

    Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo kasoo muuqday Muuqaal ay baahisay Kooxdu, una Hanjabay Mareykanka (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2019Updated:November 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaalka raggii weeraray 30 September Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle, waxaana muuqaalka ku jira Amiirka Al-Shabaab oo la dardaarmaya raggii weerarka geystay.

    Muuqaalkan oo soconaya ku dhowaad 50 daqiiqo ayaa amiirka Al-Shabaab waxaa uu farriin hanjabaad ah u diray Mareykanka, waxaa uu sheegay in xarunta ballidoogle ay tahay halka laga soo abaabulo weerarada Muslimiinta, kana soo duulaan diyaaradaha Drones.

    Abuu Cubeyda ayaa sheegay in hadafkooda ugu weyn uu yahay Saldhigga Ballidoogle ee Mareykanka.

    “Hadafka ugu weyn ee aan beegsaneyno waa Mareykan, Murtadiin hadda ma dooneyno, waxa aan u socono oo aan hadda beegsaneyno oo intaan dadaal ah loo sameeyey waa Mareykan, waxaana leydinka rabaa inaad howshaas iyada ah sugtaan oo aad Allaah u talo saarataan” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

    Inkastoo aan muuqaalkan lagu arkeyn wejiga Amiirka Al-Shabaab, hadana waxaa ka muuqday isagoo marxabeynaya oo xabadka gelinaya raggii weerarka ku qaaday Saldhiga Balli-doogle.

    https://www.facebook.com/somaliya.hanolato.77/videos/162075758222074/

    Al-Shabaab ayaa u adeegsaday weerarkii Balli-doogle gawaari qaraxyo ah, inkastoo gawaarida qaar la arkayay iyadoo la duqeeyay, ka hor inta aysan is qarxin, sidoo kale dagaalamayaasha weerarka qaaday ayaa la sheegay in la dilay, iyagoo aan gaarin goobihii ugu dambeeyay ee Saldhiga, waxaana ammaanka Saldhigga yahay mid aad u adag oo laga ilaaliyo goobo fog fog, isla markaana diyaarado kuwa wax basaasa ay dusha sare ka gaaf wareegaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.