Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Howlgallo ka socda Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)
    Somalia

    Howlgallo ka socda Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2020Updated:January 22, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka Booliska Dowladda Puntland oo kaashanaya Ciidanka Dowladda Hoose, ayaa howlgallo lagu xaqiinayo ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

    Howlgaladan oo ah kuwa 24 saac ee lasoo dhaafay ka soconayay Gaalkacyo, ayaa Ciidanku ku baarayaan gaadiid iyo guryaha ku yaalla qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu soo qab-qabtay dad u badan dhalinyaro lagu tuhmayo inay qeyb ka yihiin falalka Ammaan-darro ee ka dhaca Gaalkacyo.

    Taliyaha qaybta gobalka Mudug, Jaamac Maxamed Axmed, oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in howlgaladan ka socda magaalada Gaalkacyo, ay uga gol lee yihiin xaqiijinta amniga, isagoona intaas ku daray inay kusoo qab-qabteen Dad badan oo lagu tuhmayo falalka Ammaan-darro ee ka dhaca Magaalada.

    Howlgaladan ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa imaanaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay laga deyrinayay amniga Gaalkacyo, oo ay kusoo bateen falal ay kamid yihiin ka ganacsiga Maandooriyaha, furashada moobilada iyo dhaca Gaadiidka Dadweynaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.