Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»ICG oo udigtay Dowlada Fadaraalka
    Somalia

    ICG oo udigtay Dowlada Fadaraalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 9, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah, International Crisis Group (ICG), ayaa warbixin ay maanta soo saartay uga digtay halista ka imaan karta in dowladda federaalka ay dib u dhigto doorashooyinka dalka ayada oo aan la isku wada raacsaneyn.

    ICG waxay ku baaqday in dowladda federaalka aysan xiisad siyaasadeed ku darin xaaladda caafimaad ee ka jirta dalka, taasi oo ka dhalatay faafitaanka cudurka Coronavirus.

    “Mas’uuliyiinta federaalka waa in ay iska celiyaan hami kasta oo si kali ah dib loogu dhigayo xilliga doorashada ama isbeddel loogu sameynayo sharciga doorashooyinka,” ayay tiri ICG.

    Haddii sidaas ay dhacdo, waxaa xaqiiq ah in laga hor-imaan doono, weliba suurta galna ay tahay in si rabshad leh looga hor-yimaado, ayey ka digtay ICG.

    “Taa beddelkeed, waa inay heshiis kala gaaraan dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka sida iyo goorta ay tahay in doorashada u dhacdo,islamarkaana la xalliyaa khilaafyadii horey ujiray.”

    ICG waxay kaloo ugu baaqday madaxda dowldda federaalka in saamilayda siyaasadda dalka, ayada oo aan dib loo dhigin, kala hadasho sida cudurka Coronavirus uu usaameynayo doorashooyinka la qorsheeyey iyo noocooda.

    “Go’aan hal dhinac ah wuxuu noqon doonaa khatar, marka la eego mucaaradnimada heerka sare ah iyo u diyaar ahaanshaha isku-dhac ee ay muujiyeen saamileyda qaar. Taa beddelkeeda in lala hadlo kuwa aan dooneyn in doorashada dib loo dhigo oo ay ku jiraan dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka iyo xisbiyada mucaaradka waxay muhiim u noqon doontaa in la xakameeyo natiijada go’aan kasta oo mas’uuliyiinta ay ka qaadanayaan arrintan,” ayaa lagu yiri warbixinta ICG.

    ICG ayaa soo jeedisay in wada-hadalka heer federal diiradda lagu saaro sidii loogu guuleysan lahaa heshiis laga gaaro waqtiga doorashada ama isbeddelo lagu samaeeyo hanaanka doorashada.

    ICG,ayaa soo jeedisay in laga tanaasulo doorasho qof iyo cod ah, taa beddelkeedana diiradda la saaro hanaan doorasho oo dad kooban ay ka qeyb-galayaan, si la mid ah kii 2016-2017, markaasi oo ergo ka kooban 14,000 ay doorteen 270-ka xildhibaan ee baarlamanka, kuwaas oo kadib soo doortay madaxweynaha.

    “Tani waxay ogolaan doontaa in cod-bixiyaal kooban ay doorashada ka qeyb-galaan taasi oo yareyn karta walaacyada caafimaad, kana fogaan karta baahida loo qabo diiwaan-gelin baaxad weyn iyo dad isu-keenid,” ayaa lagu yiri warbixinta ICG.

    Ugu dambeyn ICG ayaa soo jeedisay, in haddii ay noqoto in doorashada dib loo dhigo, arimaha lagu heshiin karo ay ka mid yihiin dhismaha dowlad midnimo qaran ah, oo dowladaha xubnaha ka ah iyo mucaaradka ay xilal ku yeeshaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.