Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ilhaan Cumar iyo 5-kale oo Somali ah Oo Doorashada Maraykanka kusoo baxay
    Somalia

    Ilhaan Cumar iyo 5-kale oo Somali ah Oo Doorashada Maraykanka kusoo baxay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 9, 2024No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilhaan Cabdullaahi Cumar,waa shaqsiga kaliya ee u tartamay xil federal. Siyaasiyaddan 43-jirka ah,waxay aqalka Wakiillada xubin ka ahayd tan iyo 2019, waxayna kursigeeda difaacatay 4 doorasho oo codbixin Dadweyne ahaa.

    Xilligaa ka hor,waxay xubin ka ahayd Aqalka Wakiillada ee Gobolka Minnesota,iyadoo ka soo geli jirtay Degmada 60B.

    Ilhaan Cumar,waxaa lagu xusuustaa in ay noqotay Gabadhii ugu horreysay ee Somali ka soo jeedda ee xubin ka noqota Kongareska Maraykanka.

    Laakinse muddo xileedkii ugu horreeyey Madaxweyne Donald Trump ayey aad isku dhaliileen, ayagoo fagaarayaasha iska cambaareyn jiray.

    Ilhaan waxay isbahaysi adag la samaysatay siyaasiyiin kale oo Kongareska xubno ka ahaa, kuwaasoo ku magac dheer ‘the squad’.

    Fikradda kooxdaas,ayaa u janjeerta siyaasadaha Garabka Bidix, waxaana loollanki adkaa ee dhex maray ayada iyo Trump uu keenay in Ilhaan laga saaro Sannadkii hore Guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiillada oo ay xubin ka ahayd.

    Ilaa hadda Ilhaan waxaa loo arkaa siyaasiga ugu shacbiyadda badan siyaasiyiinta Soomaalida ee Maraykanka.

    Maxamuud Nuur waa siyaasigii xilka kala wareegay Ilhaan Cumar, wuxuuna xafiiska la wareegay Bishii Janaayo 2019.

    Waa 45 jir Xaasle ah, waana Aabbe dhalay 4 Carruur ah, isagoo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga wuxuuna hadda soo ceshtay kursigii Degmada 60B.

    Muddadii uu siyaasadda ku jiray wuxuu xubin ka soo noqday Guddi hoosaadyada Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesotta ee qaabilsan Waxbarashada, Maaliyadda,Sharciga iyo Siyaasadda.

    Wuxuu kaloo aad ugu ololeeyey, wakhti badanna geliyey arrimaha caafimaadka, helitaanka shaqooyinka iyo Guryaha, iyo caawinta dadka sharci darrada ku soo gala Maraykanka.

    Ka hor intii uusan siyaasadda ku soo biirin wuxuu hawlo ka soo qabtay Ururrada jaaliyadda Soomaalida.

    Samakaab Xuseyn waa 44 jir dhowr sano ku jiray siyaasadda Gobolka Minnesota, Gaar ahaan Magaalada Saint Paul, waana Aabbe dhalay Laba Carruur ah.

    Wuxuu siyaasadda soo galay 2022 markii Gabadhii Golaha Wakiillada ee Gobolkaas xubinta uga ahayd Degmadiisa Ramsey county aysan tartamayn.

    Wuxuu iminka xubinka yahay Guddiga Maaliyadda ee qaabilsan maalgelinta, dhaqaalaha lagu dhiso Guryaha iyo Shaqooyinka.

    Samakaab,wuxuu xisaabaadka iyo ganacsiga shahaadada 1aad ka qaatay Saint Mary’s University of Minnesota, isagoo shahaadada Labaad ee ah hogaaminta siyaasaddana ka qaatay Metropolitan State University Sannadki hore.

    Ancaam Maxamuud Waa 35 jir ka soo shaqaysay arrimaha Caafimaadka ee Magaalooyinka Mataanaha ee Minneapolis iyo St Paul, gaar ahaan maamulka daryeelka xanuunnada dhimirka.

    Waxay ku soo kortay, waxana ku soo baratay dalka Maraykanka oo la geeyey ayadoo 8 jir ah.

    Degmada ay hadda ku guulaysatay ee 62B waxaa hore uga soo geli jirtay Hodan Xasan, waxayna guusha Ancaam suurtogal noqotay markii ay ku dhawaaqday Hodan in aysan doorasho u soo istaagi doonin, ka dib Saddex xilli doorasho oo ay degmadaas ka soo galaysay Aqalka Wakiillada ee Gobolka.

    Muniira Yaasiin Cabdullaahi,waa Gabadhii ugu horreysay ee muslim ah ee xubin ka noqota aqalka wakiillada ee Gobolka Ohio, waana siyaasiyad ka soo gasha Degmada 9-Aad.

    Waxay guusheedii ugu horreysay gaaratay isreebreebkii Agoosto 2022, waxayna gool aysan cidna ka hor imaanin ku guulaysatay doorashooyinkii guud ee Nofembar 2022.

    Ayadoo 3 jir ah ayey qoyskeedu soo degeen Maraykanka, gaar ahaan magaalada Columbus, halkaas oo ay iskuul iyo jaamacadba ka gashay, waxayna cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ka baratay jaamacadda Ohio State University.

    Ismaaciil wuxuu sida Muniira ku guulaystay inuu Aqalka wakiillada ee Ohio ka soo galo degmada 3-Aad.

    Isaga iyo Muniira waxay noqdeen labadii Qof ee Soomaali – Ameerikaanka ahaa ee ugu horreeyey ee Aqalka wakiillada ee Ohio ku biira.

    Markii ugu horreysay ee uu Aqalka Wakiillada ku biiro,ayaa ahayd Janaayo 2023.

    Shahaadada 1-Aad iyo tan 2-Aad ee sharciga,ayuu ka qaatay Ohio State University 2013 iyo 2017, wuxuuna ka tirsan yahay Xisbiga Dimoqaraadiga.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.