Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ilhaan Cumar oo iska diiday in ay ka qaybgasho dhagaysiga khudbada Madaxweynaha Srael
    Somalia

    Ilhaan Cumar oo iska diiday in ay ka qaybgasho dhagaysiga khudbada Madaxweynaha Srael

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 14, 2023Updated:July 14, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    “Maraykanku waa awoodaa, waana inuu xukuumadda Israa’iil u isticmaalaa saamayntiisa diblomaasiyadeed, laakin in xukuumadda hadda jirta lagu sharfo khudbad TVga laga daawanayo waxay diraysaa farriin khaldan, xilli khaldan,”Ayey tiri Ilhaan.

    “Bishii hore waxaan ka hor imid casumaad loo fidiyey ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi inuu hadal u jeediyo labada aqal oo wadajira, sababtuna waxay ahayd rikoorkiisa xuquuqda aadanaha. Bishan kama qayb gali doono hadal jeedintaas oo kale oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog,” ayey Twitter ku qortay Ilhaan.

    Herzog,ayaa sannadkii hore waxaa ku casuntay inuu 75 guurada Israa’iil ka jeediyo khudbad aqalka koongareeska, afhayeenkii xilligaas ee aqalka Nancy Pelosi,isla casumaadaas ayuu Afhayeenka hadda xilka haya Kevin McCarthy dib u cusboonaysiiyey sannadkan.

    Inkastoo Herzog ay xubno badan oo dimoqradaadiaga ah u arkaan inuu yahay nin macquul ah oo in badan diiddan afkaarta Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

    “Ma aha in aan martiqaadno madaxweynaha Israa’iil – xukuumad uu ra’iisul wasaaraheeda xadda xilka haya uu ka mamnuucay laba gabdhood oo muslim ah oo loo soo doortay koongareeska inay dalka booqdaan – inuu u khudbeeyo koongareeska” ayey ku tiri Ilhaan qoraalka Twitter ayadoo hoosta ka xarriiqday in gabada muslimadda ah ee ay koongareeska ku wada jiraan, Rashida Tlaib, aysan u suuro gelin inay booqato ayeeyadeed.

    Ilhan iyo Tlaib ayaa laga hor istaagay inay galaan Israa’iill 2019 sabab la xiriirta inay hore u taageereen in xayiraad lagu soo rogo.

    Ilhaan waxay soo xigatay Netanhayhu oo sida la sheegay bishii hore u sheegaya xubno ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Likud in Israa’iil ay doonayso inay burburiso “hammiga dal madax banaan” oo loo fasiray in uu ula jeeday Falastiin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.