Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Ilhaan Cumar”Gabar taariikhda meel sare ka gashay”
    Somalia

    Video:-Ilhaan Cumar”Gabar taariikhda meel sare ka gashay”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 4, 2019Updated:January 4, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilhaan ayaa markii ay soo galaysay waxa ay ku soo labisatay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, sida caadada u ahaydna madaxeedu wuu dadnaa oo way xijaabnayd.


    Ilhan Cumar oo dhawaan loo doortay inay xubin ka noqoto aqalka Kongareeska dalka Mareykanka ayuu aabaheed Nur Mohamed ku wehliyey safar taariikhi ah, waxa ay si wada jir ah uga soo dageen garoonkii ay ka dageen markii ay Mareykanka soo galayeen muddo hadda laga joogo 23 sanno, markaas oo ay ka soo kicitimeen xeryaha qaxootiga ee Kenya oo ay muddo ku jireen.


    Waxa ay soo qortay hadallo uu yiri aabaheed oo ah “23 sanno ka hor, aniga iyo qoyskeyga waxaan soo gaarnay garoonka diyaaradaha ee Washington annagoo qaxooti ku ah dalkan, oo markaasi ka nimid xero qaxooti oo ku taalla dalka Kenya…23 sanno kaddib waligey kuma riyoonin in aan dib ugu laabto isla garoonkii diyaaradaha anigoo la socda gabadheyda Ilhaan, maalin ka hor inta aan loo dhaarin xilka haweeyneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorta xildhibaanada aqalka Kongareeska”.


    lhaan Cumar ayaa waxa lagu dhaariyey bannaanka aqalka Koongareeska ee Mareykanka, iyadoo la timid Kitaab uu awoowgeed horay hadiyad ahaan ugu siiyey.


    Waa markii ugu horreysay ee qof lagu dhaariyo Kitaabka Quranka, mana ahan mid horay u dhacday.


    Waxay boggeeda Twitter-ka ku soo qortay in awoowgeed uu ku dhiira geliyay damaceeda ah inay siyaasadda heer sare ka gaarto.


    Waxay sheegtay in maanta uusan nasiib u yeelan inuu goob joog ka noqdo munaasabadda taarikhiga ah ee lagu caleemo saarayay.


    “Waxaan jeclan lahaa inuu goob joog ka noqdo munaasabadda taarikhiiga ah, anigoo niyada ku haya waxaan gacanta saaraya Kitaabkiisa Qur’aanka si aan ugu xuso munaasabadda la iigu dhaarinayo” ayey tiri.


    Ilhaan Cumar ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban fadhiisata aqalka Koongareeska Maraykanka, markaas oo ay ku labisnayd dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.


    Ilhaan ayaa bishii November markii la doortay waxa ay ballan qaaday in ay soo gabagabayn doonto sharciga mamnuucaya in madaxa la dado marka la fadhiyo aqalka Congress-ka.


    Ilhaan,ayaa horay u sheegtay in shaqada ugu horreysa ee ay qabaneyso ay tahay sidii ay u badbaadin lahayd khamaarkeeda, taasna ay garab ku siiyeen siyaasiyiinta kale ee xisbigeeda saameynta leh.


    “Sidaan ognahay Waddankan sharciyadiisa waxay oggolyihiin in qof walba uu diintiisa xor u ahaado laguna xushmeeyo, Marka aniga waxaan ahay qof muslim ah oo xijaab xirata, sharcigaanna waa muhiim inuu ii oggolaado inaan xijaabkeyga xirto shaqadeydana guto, Markii la i doortay waxaan ogaannay inuu jiray sharci igu adkeynaya inaan khamaarkeyga wato, marka waxaa fursad la ii siiyay inaan aniga noqda qofka horseedaya sidii sharcigaas loo baddali lahaa” ayey tiri Ilhaan.


    Ugu danbayntii Ilhaan Omar,ayaa noqotay Gabar taariikhda Somaliya,tan Islaamka iyo tan Maraykanka meel sare ka gashay.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/i455353/videos/10156812239441878/

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.