Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ilhan Cumar oo Raalli-gelin ka bixisay Yuhuud Naceyb.
    Somalia

    Ilhan Cumar oo Raalli-gelin ka bixisay Yuhuud Naceyb.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WASHINGTON (IDIL NEWS)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed.

    Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

    Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka.

    Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb.

    Ilhaan ayaa baahisay qoraal ay “si cad” raali galin uga bixinayso Twitterkii Isniintii, arrintaas oo u muuqata in ay dhacday ka dib markii ay wada hadleen gudoomiyaha aqalka Congress-ka Nancy Pelosi

    “Yuhuud nacaybku waa wax dhab ah oo jira, waxaana abaal u hayaa xulafada Yuhuudda iyo saaxiibbada kale ee wax iiga bidhaamiyay taariikhda xanuunka badan ee Yuhuud nacaybka,” ayay tiri Ilhaan.

    “Waa in uu markaste jiraa rabitaan ku saabsan in aad dib u istaagno aana ka fikirno dhaleecaynta la inoo soo jeediyo, sida aniguba aan u rajaynayo in dadku ay maqlaan marka kuwa kale ay aniga wax iga sheegaan.

    Ilhaan waxay sheegtay in ay wali rumaysan tahay in kuwa ol’oleeya ay “dhibaato u keenaan” siyaasadda Maraykanka ama ha noqdo ururka Aipac ama NRA.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.