Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Imaaraadka Carabta oo noqday dalkii ugu horreeyey Ee Carbeed xayndaabka Meeraha Mars
    Somalia

    Imaaraadka Carabta oo noqday dalkii ugu horreeyey Ee Carbeed xayndaabka Meeraha Mars

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 30, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyey Isniintii qorshe ay hawada sare ugu dirayaan dayax-gacmeed sahan ku soo sameeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System).

    Dayax-gacmeedkan cusub ayaa la filayaa inuu shaqadiisa bilaabo sannadka 2028, taasoo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa muddo toddoba sannadood ah, isaga oo sahamin doona illaa lix ka mida walxo-cireed oo kala duwan.

    Imaaraadka Carabta ayaa sannadkii 2020 waxay meeraha Mars u direen dayax gacmeedkoodii ugu horreeyey.

    Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ama dalkii labaad ee dunida ee si rasmi ah ugu guulaysta inuu tallaabadii koowaad ee uu qaado ku gaaro xayndaabka meeraha Mars, taasoo dhacday bishii February ee sannadkii 2021.

    Hay’adda sahanka hawada sare ee dalka Imaaraadka Carabta oo la dhisay sannadkii 2014, ayaa ku socota si xawli ah, waxaana hawlgalkan cusub ee ay ku dhawaaqeen uu toban jeer ka weyn yahay, hawlgalkii ay ku tageen meeraha Mars.

    Dayax-gacmeedka la dirayo ayaa la filayaa inuu bisha October ee sannadka 2034 uu gaadho walxo-cireedka toddobaad ee ugu dambaysa.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.