Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Imaaraadka Carabta oo noqday dalkii ugu horreeyey Ee Carbeed xayndaabka Meeraha Mars
    Somalia

    Imaaraadka Carabta oo noqday dalkii ugu horreeyey Ee Carbeed xayndaabka Meeraha Mars

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 30, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyey Isniintii qorshe ay hawada sare ugu dirayaan dayax-gacmeed sahan ku soo sameeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System).

    Dayax-gacmeedkan cusub ayaa la filayaa inuu shaqadiisa bilaabo sannadka 2028, taasoo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa muddo toddoba sannadood ah, isaga oo sahamin doona illaa lix ka mida walxo-cireed oo kala duwan.

    Imaaraadka Carabta ayaa sannadkii 2020 waxay meeraha Mars u direen dayax gacmeedkoodii ugu horreeyey.

    Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ama dalkii labaad ee dunida ee si rasmi ah ugu guulaysta inuu tallaabadii koowaad ee uu qaado ku gaaro xayndaabka meeraha Mars, taasoo dhacday bishii February ee sannadkii 2021.

    Hay’adda sahanka hawada sare ee dalka Imaaraadka Carabta oo la dhisay sannadkii 2014, ayaa ku socota si xawli ah, waxaana hawlgalkan cusub ee ay ku dhawaaqeen uu toban jeer ka weyn yahay, hawlgalkii ay ku tageen meeraha Mars.

    Dayax-gacmeedka la dirayo ayaa la filayaa inuu bisha October ee sannadka 2034 uu gaadho walxo-cireedka toddobaad ee ugu dambaysa.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.