Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Imran oo laga joojiyay ka qaybgalka Doorashada Pakistan
    Somalia

    Imran oo laga joojiyay ka qaybgalka Doorashada Pakistan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 31, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo Xabsiga ku jira iyo inta badan taageerayaashiisa,ayaa loo diiday in ay isku sharxaan doorashada dhaceysa 8-da bisha February, sida ay Axadda maanta ah sheegeen saraakiisha xisbiga oo hadlayay ka dib markii ay dhammaatay waqtigii la isku diiwaangelin lahaa.

    Khan,ayaa Xabsi ku jiray illaa bishii August, isaga oo wajahaya dacwado la xiriira dhowr kiis oo uu ku tilmaamay in loo soo abaabulay si looga reebo in uu doorasho ka qeyb galo isagoo hoggaaminaya xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).

    Xiddiggii hore ee Cricket-ka,ayaa horraantii sanadkan lagu helay dambi ah in uu ku kacay fal dambiyeed, laakin maxkamad ayaa hakisay xukunkii saddexda sano ahaa ee lagu riday, iyadoo xukunkaasna uu racfaan ka qaatay.

    Guddiga doorashada Pakistan (ECP),ayaa Khan ka mamnuucay in uu Xaafiiska u tartamo xukun danbiyeedka awgeed, laakin xisbiga PTI ayaa waraaqaha magacaabistiisa gudbiyay toddobaadkii hore.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.