Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»In ka badan 100-qof muhaajiriin oo ku qaraqmay Badda Mediterranean-ka
    Somalia

    In ka badan 100-qof muhaajiriin oo ku qaraqmay Badda Mediterranean-ka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Q aramada Midoobay ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay 270 ah muhaajiriin ay ku qaraqmeen badda Mediterranean-ka maalmihii u dambeeyay.


    Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda Taliyaaniga ayaa soo gaartay goobta ay musiibadda ka dhaacday ee biyaha Liibiya.


    Doon ka samaysan caag ayaa sii quusaysay markii ay diyaaradaasi goobta soo gaartay.


    Shaqaalihii saarnaa diyaaradda ayaa waxaa u suuragashay in ay badda ka soo badbaadiyaan saddex qof ,balse waxaa halkaasi ku dhintay dad badan oo doonta saarnaa.


    Dadka la soo badbaadiyay ayaa labo waxa ay u dhasheen dalka Sudan ,halka midka kale uu u dhashay dalka Gambia.


    Dadkan badbaaday ayaa waxay sheegeen in doonta ay saarnaayeen 120 qof.


    Afhayeen u hadashay hay’adda qaxootiga ee UNHCR Liz Throssel ayaa sheegtay in dadka muhaajiriinta ah ay u baahan yihiin caawin.


    Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in loo baahan yahay in wax dadaal ah aan lala harin marka ay soo yeerto qaaylo dhaan lagu badbaadinayo dadka ku qaraqmaya badda.


    Waxa ay sidoo kale Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa ay ku baaqday in la caawiyo maraakiibta badbaadinta muhaajiriinta si ay shaqadooda u gutaan.


    Flavio Di Giacomo waa afhayeen hay’adda socdaalka Qaramada midoobay ee IOM ayaa sheegay in loo baahan yahay in la furo marin ay soo maraan dadka doonaya in ay ka soo tallaaban badda Mediterranean-ka:
    Balse dowladda Taliyaaniga ayaa waxaa ka go’an in ay joojiso in muhaajiriinta ay soo gaaraan xeebaheeda.


    Waxa ay dowladda Taliyaaniga rumaysan tahay in maraakiibtaa samatabixinta ee hay’adaha ay gacan wayn siiyaan muhaajiriinta.
    Xukuumadda Taliyaaniga ayaa ku dooday in arrintan ay dhiirigalinayso in dad badan ay naftooda galiyaan halis.


    Sanaddii 2018, 2,262 qof ayaa ku dhimatay iyaga isku dayaya in ay ka soo tallaabaan badda Mediterranean si ay u gaaraan dalalka Yurub.

    Xigasho BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.