Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Inqilaab Mileteri miyaa ka dhacay Wadanka Niger?
    Somalia

    Inqilaab Mileteri miyaa ka dhacay Wadanka Niger?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 27, 2023Updated:July 27, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum,ayaa maanta wacad ku maray inuu ilaalin doono mirihii dimoqraadiyadda ee “sida adag loogu guuleystay” kadib markii ciidamada ay xireen, kuna dhowaaqeen inay la wareegeen xukunka.

    Bazoum ayaa waxaa Arbacadii xiray xubno ka mid ah ilaalada madaxtooyada, kuwaasi oo saacado kadib ku dhowaaqay in “dhammaan hay’adaha dowladda” ee dalka shaqadooda la hakiyey, xuduudaha la xiray, islamarkaana bandow habeekii ah lasoo rogay.

    Ayada oo ururo African ah iyo kuwa caalami ah ay cambaareeyeen afgambiga, islamarkaana Faransiiska iyo Mareykanka oo xulufo la ah ay taageero u muujiyeen, Bazoum ayaa muujiyey dhiifanaan.

    “Guulaha sida adag lagu helay waa la ilaalin doonaa,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta twitter ee hadda loo bixiyey X. “Dhammaan dadka Niger ee jecel dimoqraadiyadda iyo xoriyadda sidan ayey doonayaan.”

    Wasiirka arrimaha dibedda Hassoumi Massoudou ayaa sheegay in “awoodda saxda iyo sharciga ah” ee Niger ay tahay tan uu haysto madaxweynaha la doortay.

    Waxa uu taleefishinka France24 u sheegay in Bazoum “uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo wanaagsan.”

    Waxaa jiray “isku day afgambi” balse “dhammaan ciidamada oo idil kuma lug laheyn,” ayuu yiri.

    “Waxaan ka codsaneynaa dhammaan askarta cabanaya inay kusoo laabtaan talisyadooda,” ayuu yiri. “Wax kasta waxaa loogu guuleysan karaa wadahadal, hase yeeshee hay’adaha dowladda ee Jamhuuriyadda waa inay shaqeeyaan.”

    Madaxweynaha dalka deriska ah ee Benin, Patrice Talon ayaa la filayey inuu maanta tago magaalada Niamey isaga oo wada dadaallo dhex-dhexaadin, waxaa sidaa sheegay madaxa ururka ECOWAS.

    Waddooyinka caasimadda ayaa saaka ahaa kuwo cidlo ah ka dib roob culus, sida uu sheegay wariye AFP ka tirsan.

    Dalkan aan badda lahayn ayaa ah mid ka mid ah waddamada ugu saboolsan uguna xasilloonida darran adduunka. Waxaa ka dhacay afar afgambi tan iyo markii ay Niger xorriyadda ka qaadatay France 1960-kii.

    Waxaa sidoo kale ka dhacay dhowr isku day afgambi oo kale, oo laba ka mid ah ka dhan ahaa Bazoum.

    63-jirkan ayaa ka mid ah koox madaxweynayaal la doortay ah oo sii yaraanaya oo ku sugan gobolka Sahel, halkaas oo tan iyo 2020-kii uu ka jiray kacdoon Jihaadi ah oo horseeday afgambiyo ka dhacay Mali iyo Burkina Faso.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.