Isbadalka lagu sameeyay maamulka Bangiga Dowlada Puntland xaqiiqiyan,waa loo baahnaa.
Sanad kadib Agaasinka hayay shaqada,waxaa la oran karaa,waxba ma qaban ama masoo kordhin…..
- Waxaa laga sugayay in uu Bangiga usameeyo Swift Code si uu ula jaanqaado heer caalami mase samayn.
- Waxaa laga sugayay in uu bixiyo Daymo yar yar oo dadka danyarta ah lagu maalgeliyo,mana fulin.
- Waxaa laga sugayay samaynta Lacagtii PL,iyadana ma dhaqaaqin mana sharixin waxa dib dhigay.
- Waxaa laga sugayay wada shaqaynta Bangiga iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay in ay ka macno badato inta hada jirtay,kamase miro dhalin.
Qodobadaas,waxay ahaayeen kuwii hortabinta ulahaa oo aan Afkayga ku waydiiyay Agaasimaha markii la magacaabay.
Bangigu,wuxuu leeyahay dhaqaale fiican oo ugaar ah oo Miisaaniyada ugu jirta,taasoo ah 5% in uu qaato dhamaan Lacagaha soo mara.
