Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Isimo iyo waxgarad kasoo jeeda degaanada Puntland iyo DDS oo gaaray Muqdisho (Sawirro)
    Somalia

    Isimo iyo waxgarad kasoo jeeda degaanada Puntland iyo DDS oo gaaray Muqdisho (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 30, 2020Updated:January 30, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Isimo iyo odoyaal dhaqaamed ka soo jeeda degaamadda Puntland iyo dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta gaaray magaaladda Muqdisho halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

    Guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee Golaha shacabka BFS, Wasiiro, Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, odayaal dhaqmeed iyo siyaasiyiin ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyay Isimada Puntuland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

    Ujeedada safarka Muqdisho ee Isimada dhaqanka oo ay hoggaaminayaan Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Suldaan C/salaam, iyo Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiilwaal, ayaa la xiriirta sidii Madaxda Dowladda Federaalka ay uga heli lahaayeen taageero dhaqaale oo qeyb ka noqota mago fara badan oo la kala siinayo beelo walaalo ah ku dagaalamay Degaanka Dhumay ee Gobalka Sool, oo isimadu horey u dhex-dhigeen heshiis.

    Isimada la soo dhaweeyay ayaa mid mid u gacan qaaday madaxdii kala duwaneed ee garoonka kusoo dhaweeysay, iyadoo booqashadaani ay qeyb ka tahay dadaalada loogu jiro xoojinta nabadeenta Soomaaliya iyo isku soo dhawaanshaha Ummadda Soomaaliyeed.

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda ay diyaar u yihiin soo dhaweynta isimada Muqdisho soo gaaray.

    Guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee golaha shacabka BFS ayaa ka hadlay talaabadan ay Muqdisho kusoo gaareen isimada Puntuland iyo kuwa Dawlad Deegaanka Soomaalida.


    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.