Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israa’iil iyo Xamaas oo wada gaaray heshiis
    Somalia

    Israa’iil iyo Xamaas oo wada gaaray heshiis

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 22, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Israa’iil iyo Xamaas,ayaa Arbacadii ku heshiiyey in afar maalmood la hakiyo dagaalka, si loo oggolaado in lasii daayo 50 la haystayaal ah oo lagu haysto Qasa,taas oo lagu bedelanayo 150 Falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa’iil, iyo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee dhulka go’doonsan.

    Saraakiil ka tirsan Qatar oo dhexdhexaadinaysay wadaxaajoodyo qarsoodi ah, iyo sidoo kale Maraykanka, Israa’iil iyo Xamaas ayaa maalmo sheegayay inuu heshiisku dhow yahay.

    Xamaas ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku hayso in ka badan 200 oo laheysteyaal ah, kuwaas oo la qafaashay markii dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, sida ay muujinayso tirada Israa’iil.

    Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in 50 haween iyo carruur ah lasii dayn doono muddo afar maalmood ah, muddadaas oo ay joogsan doonaan dagaallada Gaza.

    Bayaanka Netanyahu ayaa intaas ku daray in 10-kii qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, xabbad-joojinta lagu kordhin doono maalin kale, iyadoo aan la soo hadal qaadin sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta.

    “Dowladda Israa’iil waxaa ka go’an in dhammaan la haystayaasha ay ku celiso dalkooda. Caawa, waxay oggolaatay heshiiska lasoo jeediyay oo ah marxaladdii ugu horreysay ee lagu gaari lahaa hadafkan,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo la sii daayay saacado badan oo doodo ah oo saxaafadda laga xiray.

    Heshiiska ayaa ah xabbad joojintii ugu horreysay ee duqeymaha Israa’iil ay ku burburisay qeybo badan oo ka mid ah dhulka ay Xamaas maamusho ee Gaza, oo ay ku dhinteen 13,300 oo rayid ah deegaanka aadka u yar ee dadku ku badan yahay iyo in qiyaastii saddex-meelood labo meel 2.3 milyan oo qof ay ku guryo beeleen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Gaza.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.