Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israa’iil iyo Xamaas oo wada gaaray heshiis
    Somalia

    Israa’iil iyo Xamaas oo wada gaaray heshiis

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 22, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Israa’iil iyo Xamaas,ayaa Arbacadii ku heshiiyey in afar maalmood la hakiyo dagaalka, si loo oggolaado in lasii daayo 50 la haystayaal ah oo lagu haysto Qasa,taas oo lagu bedelanayo 150 Falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa’iil, iyo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee dhulka go’doonsan.

    Saraakiil ka tirsan Qatar oo dhexdhexaadinaysay wadaxaajoodyo qarsoodi ah, iyo sidoo kale Maraykanka, Israa’iil iyo Xamaas ayaa maalmo sheegayay inuu heshiisku dhow yahay.

    Xamaas ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku hayso in ka badan 200 oo laheysteyaal ah, kuwaas oo la qafaashay markii dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, sida ay muujinayso tirada Israa’iil.

    Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in 50 haween iyo carruur ah lasii dayn doono muddo afar maalmood ah, muddadaas oo ay joogsan doonaan dagaallada Gaza.

    Bayaanka Netanyahu ayaa intaas ku daray in 10-kii qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, xabbad-joojinta lagu kordhin doono maalin kale, iyadoo aan la soo hadal qaadin sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta.

    “Dowladda Israa’iil waxaa ka go’an in dhammaan la haystayaasha ay ku celiso dalkooda. Caawa, waxay oggolaatay heshiiska lasoo jeediyay oo ah marxaladdii ugu horreysay ee lagu gaari lahaa hadafkan,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo la sii daayay saacado badan oo doodo ah oo saxaafadda laga xiray.

    Heshiiska ayaa ah xabbad joojintii ugu horreysay ee duqeymaha Israa’iil ay ku burburisay qeybo badan oo ka mid ah dhulka ay Xamaas maamusho ee Gaza, oo ay ku dhinteen 13,300 oo rayid ah deegaanka aadka u yar ee dadku ku badan yahay iyo in qiyaastii saddex-meelood labo meel 2.3 milyan oo qof ay ku guryo beeleen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Gaza.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.