Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israa’iil oo Daraasiin Dad ah ku laysay Qasa
    Somalia

    Israa’iil oo Daraasiin Dad ah ku laysay Qasa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 10, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda difaaca Madaniga ah ee Xamaas ee maamusho Qasa,ayaa sheegtay in Tobanaan Qof ay ku dhinteen duqayn Cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday meel gabbaad ah oo ku taal iskuul ku yaalla Magaalada Qasa.

    Milatariga Israa’iil,ayaa sheegay in ay duqeeyeen goobtaas Sabtidii,iyaga oo ku tilmaamay bartilmaameedkooda xarun Taliska Xamaas oo ku dhex taal iskuulka.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Qasa, duqaynta ka dhacday degmada Daraj waxaa ku dhintay ugu yaraan 90-Qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

    “Dhimashadu waxay hadda u dhaxaysaa 90 ilaa 100, waxana jira Tobanaan kale oo dhaawac ah,”Ayuu afhayeenka Wakaaladda Maxamuud Bassal u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP.

    “Saddex Gantaal oo Israa’iili ah,ayaa ku dhacay iskuul ay degenaayeen Falastiiniyiinta soo barakacay.”

    Mar sii horeysay qoraal uu soo dhigay Telegram-ka,ayuu ku sheegay in goobta ay ka dhaceen xasuuq aad u fool xun,isagoo sheegay in shaqaalaha ay isku dayayeen inay xakameeyaan dabka, si ay u badbaadiyaan Dadka dhaawaca ah,islamarkaana ay u soo saaraan Meydadka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.