Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israa’iil oo ku Gacansayrtay Xabad joojinta Xamaas aqbashay
    Somalia

    Israa’iil oo ku Gacansayrtay Xabad joojinta Xamaas aqbashay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 7, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xamaas,ayaa Isniintii sheegtay in ay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo Masar iyo Qatar ay soo jeediyeen, hase yeeshee Israa’iil ayaa diidday heshiiska, kaddib marki ay sheegtay in uusan buuxin shuruudaheeda aasaasiga ah.

    Taasi baddalkeeda, Israil waxay Isniintii sheegtay in ay sii wadeyso weerar ay sheegtay in ay ku qaadi doonto magaalada Rafax ee koofurta Qasa,halkaas oo ay ku noolyihiin in ka badan 1 milyan iyo badh Qaxooti iyo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

    Hindisaha xabbad-joojinta ay aqbashay Xamaas ayaa isugu jira,Saddex waji oo marka la isu geeyo ah xabbad-joojin soconeysa bilooyin. Muddadaasi ayay ciidanka Israil uga baxayaan Qasa,Labada dhinac,ayaa isku weydaaranaya dadka ay kala hayaan wixi nool iyo inti meyd ahba. Iyo sidoo kale dib u dhiska Marinka Qasa iyo Qodobo kale.

    Waxa ay Xamaas aqbalaadeeda ku dhaawqday saacado kaddib marki ay Israil ku amartay ilaa 100,000 oo Falastiiniyiin ah in ay ka baxaan xaafadaha bari ee Rafax halkaas oo ay sheegtay in ay duullaan ku qaadeyso.

    Goor danbe oo Isniintii shalay ahna, Israil ayaa duqeyn ay ka fulisay xaafado ku yaalla Rafax ku dishay in ka badan shan qof. In ka badan 34 kun oo Falastiiniyiin u badan dumar iyo carruur ay Israil ku dishay Gaza tan iyo bishii October.

    Israil ayaa weerartay Qasa kaddib marki ay Xamaas 7-di Oktoober weerartay koofurta Israa’iil halkaas oo ay ku dishay boqollaal qof kuna soo afduubatay boqollaal kale.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.