Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israel oo dooneysa inay sheegato Daanta Galbeed
    Somalia

    Israel oo dooneysa inay sheegato Daanta Galbeed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 30, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka difaaca mayalka adag ee Israel ayaa Arbacadii ku baaqay in Israel ay si rasmi ah qeyb ka mid ah dalkeeda ugu sheegato saddex meelood meel ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, ayada oo la waafajinayo qorshaha madaxweynaha Mareykanka uu ku dhowaaqay ee Bariga Dhexe.

    Qorshaha Trump ee nabadeynta Israel iyo Falastiin oo loogu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa dhigaya in dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed ay kusii jaraan gacanta Israel.

    Wasiir Naftali Bennett, oo ka mid ah dowladda isbaheysiga ee Netanyahu, balse ka tirsan xisbiyada midigta fog, ayaa amray in la sameeyo koox sharciga iyo madax-banaanida Israel ku dabaqda dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed.

    “Xalay taariikh ayaa albaabka noo oo garaacday, waxayna na siisay fursad hal mar la arag ah oo aan dhammaan sharciyada Israel uga hir-gelino Samaria, Judea, Dooxada Jordan, iyo Waqooyiga Badda Dhimatay” ayuu yiri wasiirka difaaca Naftali Bennett.

    Falastiiniyiinta ayaa hadalladiisa ku macneeyey inuu caddeyn u yahay in qorshaha Trump uu Yahuudda u fasaxayo inay si rasmi ah u sheegato Daanta Galbeed, oo ay haysatay tan iyo sanaddii 1967-kii, markaasi oo ay ku qabsatay dagaalkii Carabta iyo Israel.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.