Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya: 23 Ruux oo ku geeryooday daadad kusoo rogmaday
    Somalia

    Itoobiya: 23 Ruux oo ku geeryooday daadad kusoo rogmaday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 7, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Daadadka ka dhashay roobabka ma hiigaanka ee ka da’aya dalka Itoobiya ayaa la sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 23 qof.

    Komishiinka ka hortagga masiibooyinka iyo maareynta khataraha ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay iney daadku saameeyeen dad ka badan 220,000 oo qof.

    Kuxigeenka Madaxa Komishiinka Demene Darota oo warbaahinta dalka Itoobiya u warramay wuxuu sheegay iney daadku khasaaro hor leh ka geysan karaan deegaannada dhulkooda uu hooseeya gaar ahaan degmooyinka ku hareereysan wabiyada.

    Wuxuuna Demene sheegay in daadaku qasaaraha ugu badan ay ka geysteen deegaannada Soomaalida, Oromada iyo Ismaamulka magaalada Diridhaba.

    Deegaanka Mustaxiil ayaa waxaa uu ku fatahay webiga Shabeelle mara halkaas, waxaa arrintaasi ka dhashay khasaare baahsan.

    Webiga Shabeelle iyo Juba ee mara Soomaaliya waxay kasoo burqadaan dhulka buuraleyda ah ee dalka Itoobiya oo ay haatan ka da’ayaan roobab mahiigaan ah.

    Wuxuu sida oo kale sheegay iney daadadku ay waxyeella u geysan karaan dhul beereed aad u badan taasina ay ka dhalan karto cunna yari.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.