Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya: Abiy oo wajahaya jahwareer & Tigray-ga oo ka horyimid go’aankiisii
    Somalia

    Itoobiya: Abiy oo wajahaya jahwareer & Tigray-ga oo ka horyimid go’aankiisii

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu doorashooyin qabto, sida uu sheegay xisbiga maamula, taasi oo horseedi doonta isku dhac dhex mara ayaga iyo dowladda federaalka dalkaas.

    Itoobiya ayaa bishii March hakisay doorahsooyinka baarlamanka iyo kuwa gobollada ee la qorsheeyey inay dhacaan bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Weli lama go’aamin waqti cusub, islamarkaana baarlamanka ayaa Talaadadii ku guul-darreystay inay isku raacaan waqti kadib kulan ay yeesheen.

    Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sanadkii tegay ka baxday isbhayaiga EPRDF, kadib markii saddexda xisbi kale ee ku jira ay ku midoobeen xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada ama Prosperity Part (PP).

    Xisbiga TPLF ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, inkasta oo federaalka uu hakiyey.

    “Waxaan u diyaar garoobeynaa inaan qabano doorasho, si xuquuqda dadkeena uga ilaalino qaska,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay TPLF.

    Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay inaysan TPLF ka helin wax codsi ah oo ku aadan inay qabtaan doorasho, islamarkaana cid aan ayaga ahayn aysan lahayn sharciyad ay ku qabtaan doorasho noocee doonto ha noqotee.

    Bayaanka TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah.

    PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka PP Awelu Abdi.

    Isbahaysiga EPRDF oo awoodda qabsaday 1991-kii ayaa waxaa xooggiisa maamulayey Tigrayga laga tirada badan yahay, waxaana sanado badan ay awood ku daboolayeen xiisadaha qowmiyadaha ku dhisan ee dalkaas, ayaga oo xirayey cid kasta oo mucaarad ah.

    Hase yeeshee si-beddeladii uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed sanadii 2018 ee dadka siiyey xoriyad ay ku hadlaan, ayaa suurta-geliyey inay banaanka usoo baxaan carrooyinkii sanado badan loo qabay dowladda.

    Itoobiya waxay hadda qarka u saaran tahay dagaal qowmiyadeed dalku ku hoobto.

    Dastuurka Itoobiya ayaa xukuumadda siinaya muddo xileed shano sano ah. Muddo xileedka Abiy Ahmed wuxuu dhacayaa bisha September.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.