Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya: Abiy oo wajahaya jahwareer & Tigray-ga oo ka horyimid go’aankiisii
    Somalia

    Itoobiya: Abiy oo wajahaya jahwareer & Tigray-ga oo ka horyimid go’aankiisii

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu doorashooyin qabto, sida uu sheegay xisbiga maamula, taasi oo horseedi doonta isku dhac dhex mara ayaga iyo dowladda federaalka dalkaas.

    Itoobiya ayaa bishii March hakisay doorahsooyinka baarlamanka iyo kuwa gobollada ee la qorsheeyey inay dhacaan bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Weli lama go’aamin waqti cusub, islamarkaana baarlamanka ayaa Talaadadii ku guul-darreystay inay isku raacaan waqti kadib kulan ay yeesheen.

    Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sanadkii tegay ka baxday isbhayaiga EPRDF, kadib markii saddexda xisbi kale ee ku jira ay ku midoobeen xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada ama Prosperity Part (PP).

    Xisbiga TPLF ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, inkasta oo federaalka uu hakiyey.

    “Waxaan u diyaar garoobeynaa inaan qabano doorasho, si xuquuqda dadkeena uga ilaalino qaska,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay TPLF.

    Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay inaysan TPLF ka helin wax codsi ah oo ku aadan inay qabtaan doorasho, islamarkaana cid aan ayaga ahayn aysan lahayn sharciyad ay ku qabtaan doorasho noocee doonto ha noqotee.

    Bayaanka TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah.

    PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka PP Awelu Abdi.

    Isbahaysiga EPRDF oo awoodda qabsaday 1991-kii ayaa waxaa xooggiisa maamulayey Tigrayga laga tirada badan yahay, waxaana sanado badan ay awood ku daboolayeen xiisadaha qowmiyadaha ku dhisan ee dalkaas, ayaga oo xirayey cid kasta oo mucaarad ah.

    Hase yeeshee si-beddeladii uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed sanadii 2018 ee dadka siiyey xoriyad ay ku hadlaan, ayaa suurta-geliyey inay banaanka usoo baxaan carrooyinkii sanado badan loo qabay dowladda.

    Itoobiya waxay hadda qarka u saaran tahay dagaal qowmiyadeed dalku ku hoobto.

    Dastuurka Itoobiya ayaa xukuumadda siinaya muddo xileed shano sano ah. Muddo xileedka Abiy Ahmed wuxuu dhacayaa bisha September.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.