Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya oo dhameystirtay buuxinta Biyo-xireenka Wabiga Niil
    Somalia

    Itoobiya oo dhameystirtay buuxinta Biyo-xireenka Wabiga Niil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 10, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqay in Itoobiya ay dhameystirtay buuxinta biyo-xireenka weyn ee ay ka dhistay Wabiga Niil, kaasi oo keenay xiisad kala dhaxaysay dalalka ay biyaha wabigu u hooraan ee Masar iyo Suudaan.

    “Farxad weyn ayay ii tahay in aan ku dhawaaqo in aan si guul ah ku dhamaystirnay buuxintii afraad ahna tii u dambaysay ee biyo-xidheenka,” ayuu Abiy ku yiri farriin uu ku soo qoray X, oo markii hore lagu magacaabi jiray Twitter. Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo wadaxaajoodka saddexda dal uu 27-kii August dib u billowday.

    “Waxaa jiray caqabado badan, marar badan ayaa nalagu riixay in aan dib u laabanno. Waxaa na soo maray loolan gudaha ah iyo cadaadis dibadda ah,” ayuu yiri.

    Biyo-xireenkan oo ay Addis Ababa u aragto mid aad muhiim ugu ah ayaa dhismihiisu ku kacay lacag dhan 4.2 bilyan oo dollar, waxaana tan iyo markii ay Itoobiya daahfurtay mashruucan sannadkii 2011-kii ay Masar ka cabsi qabtay in uu dhimayo qaybteeda biyaha Niilka.

    Wadahadallada hadda socda, oo dib u soo laabtay ku dhawaad laba sano iyo bar ka dib, ayaa ujeeddadoodu tahay in la gaaro heshiis “tixgelinaya danaha iyo walaacyada saddexda dal,” ayuu yiri wasiirka waraabka ee Masar Hani Sewilam, oo boorriyay “in la joojiyo tallaabooyinka halka dhinac ah”.

     

    AP.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.