Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jaaliyadda Reer Puntland oo Qaarada Yurub oo shir uga socdo Denmark+Sawirro
    Somalia

    Jaaliyadda Reer Puntland oo Qaarada Yurub oo shir uga socdo Denmark+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Aarhus ee Dalka Denmark waxa si Habsimi leh uga Furmay Shirweynihii Afaraad Dallada qurbajoogta Puntland ee Yurub(PEDAN) oo ay ku mideysan yihiin Ururadda iyo Jaaliyadaha Qurbo-joogta Puntland ee Yurub.

    Shirka ayaa sanadkan waxa soo qaban qaabiyay Puntland Diaspora Forum Denmark(PDFD), waxaana marti-sharafta ka qeybgalaysa kamid ah Duqa Magaalada Aarhus ee Dalka Denmar Jacob Bundsgaard, Ergo ka kala socota 10 Wada oo ku yaal Qaarada Yurub, Wakiilka Dawladda Puntland ee qaarada Yurub, Wasiir ku-xigieenkii hore Warfaafinta Dowladda Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Degaanka Magaalada Aarhus.

    Sidoo kale, Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Masuuliyiin iyo Ergooyin matalay Jaaliyaddaha Puntland ee Dalalka Yurub, sida Britain, Finland, Sweden, Norway, France, Germany, Ireland, Holland iyo Austeria.

    Furitaankii Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah uga hadlay Duqa Magaalada Aarhus Jacob Bundsgaard, Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Denmar Mudane Cabdisalaan Askar, Gudoomiyaha Dallada Qurbajoogta Puntland ee Yurub Mudane Xuseen Daahir Derbi, Wasiirkii ku xigeenkii hore ee Warfaafinta Dowladda Puntland mudane Cabdirisaaq Shiikh Aduun iyo Wakiilka Puntland u fadhiya Finland mudane Cabdifataax Janagale, iyagoona dhamaantood soo dhoweeyay Marti-sharafta , waxayna Hambalyo u direen Dalladda Pedan oo Afar sano jirsatay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.