Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jamhuuriga: Way dhaceysaa maxkamadeynta Madaxweyne Trump
    Somalia

    Jamhuuriga: Way dhaceysaa maxkamadeynta Madaxweyne Trump

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 14, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa kasoo horjeestay isku day la doonayo in lagu tuuro eedeymaha xil-ka-qaadis ee ka dhanka ah madaxweyne Trump, ayada oo aan la maxkamadeyn.

    Aqalka Wakiilada e Dimoqraadiga ay maamulaan ayaa la filiyaa inuu qodobada xil-ka-qaadista u gudbiyo Senate-ka, halkaasi oo Mitch McConnell oo hoggaamiya uu wacad ku maray inuu gacan ka gaysan doono sidii dambiga loogu weyn lahaa Trump, oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

    Trump ayaa Axaddii sheegay in maxkamadeynta Senate-ka ay Dimqoraadiga siin doonto sharciyad aysan xaq u lahayn, isaga oo muujiyey inuu doonayo in kiiska lagu gacan seero, ayada oo aanay maxkamadeyn dhicin.

    “Ma jiraan wax dano ah oo Senator-ada Jamhuuriga ka leeyihiin inay ku gacan seeraan eedeymaha Aqalka Wakiilada,” Waxaa sidaas yiri Senator Roy Blunt.

    “Ma taageeri doono mooshin ku gacan seerid ah,” waxaa isna sidaas yiri Senator Mitt Romney, oo intaas ku daray “Xilligan, eedeymaha waa kuwa culus oo u qalmo in la eego, lana dhageysto cidda diidan iyo cidda taageersan.”

    Aqalka Wakiilada ayaa bishii tagtay u codeeyey dacwad xil-ka-qaadis oo ka dhan ah Trump, taasi oo saldhig looga dhigay laba qodob oo kala ah; inuu ku takri falay awooddiisa, iyo inuu is-hortaag ku sameeyey Congress-ka.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.