Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jamhuuriyiinta oo ku dooday in uu helay heshiis dabacsan Wiilka Biden
    Somalia

    Jamhuuriyiinta oo ku dooday in uu helay heshiis dabacsan Wiilka Biden

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 26, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hunter Biden oo ah wiilka madaxweyne Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta kasoo hor muuqdo garsoore federal, si uu u qirto laba dambi oo la xiriira canshuur khiyaameyn iyo inuu haystay hub xilli jirkiisu daroogeysnaa.

    Dambi qirashadan ayaa qeyb ka ah heshiis uu la galay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, kaasi oo ay u badan tahay inuu badbaadiyo in xabsi uu galo.

    Garsooraha Maxkamdda Degmada Federaalka Delaware, Maryellen Noreika, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, islamaraana guddoomin doonta dhageysiga dacwadda, ayey qasab tahay inay saxiixdo heshiiska.

    Heshiiska oo lagu dhowaaqay bishii tagtay ayaa imanaya kadib sanado ay Waaxda Caddaaladda baaritaan ku haysay canshuuraha iyo ganacsiyada dibedda ee wiilka labaad ee madaxweynaha, kaasi oo qirtay in uu daroogo isticmaaleyey tan iyo 2015 markii uu dhintay walaalkiis Beau Biden.

    Inkasta oo sharci ahaan ay tani soo afjari doonto kiiska Hunter Biden, islamarkaana meesha ka saari doonta maxkamadeyn socon laheyd toddobaadyo ama bilo, haddana xasaraddiisa siyaasadeed ayaa taagnaan doonta.

    Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa ku adkeysanaya in Hunter uu helay heshiis dabacsan, xilli Waaxda Caddaaladda ay sii wado baaritaanada ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo ugu cad cad xubnaha Jamhuuriga ee u taagan doorashada madaxweyne ee 2024.

    Trump ayaa horey u wajahayey kiis ka furan New York, iyo mid federaal oo uu ku wajahayo Florida. Hase yeeshee wuxuu 19-kii July sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.

    Trump ayaa sheegay inuu warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020.

    Jamhuuriga ayaa ku andacoonaya in aan cadaaladda loo sinneyn, ayaga oo sheegaya in wiilka madaxweynaha xaaladda loo fududeeyey halka Trump si xooggan loo eryanayo.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.