SL,waxay ka faa’idaysatay Maanta talaabo horay udhibtay oo ahayd in Qaxootiga lagu soo celinayo Deegaamadeeda laga qaatay ogolaanshaha Xasan Shiikh.
Go’aanka Dowlada Jarmalku,waa waaqici oo kumana khaldana lamana oran karo,waxay ku xadgudubtay Gobanimada Somaliya.
Kama dhigna in Jarmalku aqoonsaday SL ee waa go’aan hoos galaya heshiiskii ay DFS horay ula gashay ee soo celinta Qaxootiga Somalida.
Dhanka kale Dadka Hargaysa ka degaya Lacagta ay ku bixinayaan Visa-ha laguma shubi karo Xamar
Xamar,waxba ma siiso Hargaysa mana maamusho kamana fulaan go’aamo ka yimaada.
Halka dood ee meesha taal,waa aqoonsiga QM ee ay haysato Villa Somaliya ee loo yaqaan Dowlada Somaliya,taasna calaamad su’aal caalamku uwada jeedo,ayaa saaran.
Visa-ha Online-ka,wuxuu saameeyay xataa siyaasiyiinta SL oo Faysal C.Waraabe jooga Belgium oo usoo socda Hargaysa,ayaa lagu xiray oo hada ka degaya Itoobiya kadibna Gaari kaga galaya xuduuda Togwajaale.
Waa xaalad kale oo sii kala dilaysa Somalida una baahan masuuliyad iyo dib u eegis.
SL xaq ayay uleedahay in ay iyadu qaadato Lacagteeda khidmad Visa-ha ah.
