Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jeel Ogaadeen Oo loo badalayo Masjid Ogaadeen
    Somalia

    Jeel Ogaadeen Oo loo badalayo Masjid Ogaadeen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 11, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ballan qaaday in la sii dayn doono maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Jigjiga oo ku magac dheer “Jeel Ogaadeen”, wuxuuna sheegay in masaajid loo badali doono.
     
    Isbedelada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sababtay in ay isku-soo dhawaadaan Ururka ONLF iyo dowladda Itoobiya oo mudo Sanado ah wada dagaalamayey,waxana sidoo kale Xabsiyo ku yaalla dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya laga siidaayey Boqolaal ruux oo ay ku jiraan dad ka tirsanaa Jabhada ONLF.
     
    Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo daba socda qorshaha isku-soo dhawaasha iyo isbedelada ka jira dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in lasiideyn doono dadka ku xiran Xabsiga dhexe ee Magalada Jigjiga kaas oo loo yaqaano “Jeel Ogaadeen”,.
     
    Warbixinta ka kooban 88 bog islamarkaana ay dhawaan soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeeynaysa tacadiyo saraakiisha Itoobiya iyo booliiska deegaanka ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen “jeel ogaadeeniya” .
     
    Inta badan maxaabiista ayaa xabsiga la dhigay iyaga oo aan wax maxkmad ah la soo taagin sida ku cad warbixinta.
     
    Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in inta badan dadka lagu xiro xabsiga “jeeyl Ogaadeeniya” ay yihiin kuwa lala xiriiriyo in ay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF oo ah mucaarad dalkaasi laga mamnuucay.
     
    Tallaabada lagu siideynayo dadka ku xiran Xabsiga dhexe ee Magalada Jigjiga iyo isbedelada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey dadka ku nool dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya iyo meelahaa ka baxsan intaba.
    Xigasho cakaara News.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.