Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»JL oo ku eedaysay dagaalkii Raaskanbooni DFS
    Somalia

    JL oo ku eedaysay dagaalkii Raaskanbooni DFS

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 12, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-Saxaafadeed Jubaland
    Dowladda Jubaland waxay si aad ah uga xuntahay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo si nasiib darro ah ay isku dileen wiilal Somaliyed, Waa dhacdo laga baaqsan karay iyadoo ay ahayd in lagu xalliyo wada-hadal iyo isku tanaasul.

    Sida marar badan aan Caddeeynay, dagaalkan waxaa soo abaabulay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa kuwaas oo u arkayay inay ku gaari karaan dano siyaasadeed oo gurracan iyadoo la adeegsanayo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) si ka baxsan waajibaadka sharci ee ciidanku leeyahay.

    Falalkan sharci-darrada ah awgood, Xasan Sheekh iyo kooxdiisu waxay ciidamo u soo daabuleen deegaanka Raas-Kambooni halkaas oo dabka lagu shiday dhalinyaro Soomaaliyeed si loo gaaro ahdaaf siyaasadeed oo baal-marsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

    Waa muhiim in la xuso in deegaanka Raas-Kambooni uu ahaa deegaan nabdoon oo aysan ka jirin wax amni-darro ah 13-kii sano ee la soo dhaafay Sidoo kalana ayna qeyb ka ahayn deegaanada ay joogeen Ciidamada ATMIS ee dalka ka baxaya.

    Nasiib darro halkii dowladdu u adeegsan lahayd CXD deegaannada weli ku jira gacanta Khawaariijta ayaa loo isticmaalay deegaan nabdoon oo ka xoroobay Khawaariijta sanadkii 2011ka.

    Waxaa tusaale muuqda ah in deegaannada ku hareeraysan Muqdisho ay weli ka taliyaan Khawaariijta iyadoo Xasan Sheekh uu CXD diyaarad ku keenay Raas-Kambooni si uu u fuliyo dano siyaasadeed oo aan waafaqsaneyn maslaxadda guud ee dalka.

    Dowladda Jubaland waxay aaminsan tahay in qorshayaasha CXD lagu dhex gelinayo arrimaha siyaasadda ay yihiin kuwo dhabar-jab ku ah dib-u-dhiska dowladnimada gaar ahaan hay’adaha amniga iyo CXD oo ah laf-dhabarta qaranimada dalkeenna.

    Maanta qaar ka mid ah dhaawacyadii CXD ee ku waxyeeloobay dagaalka Raas-Kambooni ayaan u dirnay magaalada Muqdisho si ay u helaan adeegyo caafimaad oo dheeraad ah Sidoo kale dhammaan ciidamada ku jira gacanta Jubaland waa wiilal Soomaaliyeed oo dhulkoodii jooga waxaana loola dhaqmayaa si sharaf leh, dhaawacyada waxaa la siinayaa daryeel caafimaad oo dhammeystiran, waxaana markii ay bogsadaan lagu celin doonaa guryahooda iyagoo nabad qaba.

    Ugu dambeyn Dowladda Jubaland waxay Caddeeynaysa mowqifkeeda ah in xalka khilaafaadka siyaasadeed uusan ku jirin xabad. Jubaland mar walba diyaar ayay u tahay wada-hadal iyo in wixii kala aragti duwanaansho ah lagu xalliyo miiska wada-tashiga iyo isku tanaasulka.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.