Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubbaland oo ka hadashay Ciidamo la sheegay inay uga biireen DFS
    Somalia

    Jubbaland oo ka hadashay Ciidamo la sheegay inay uga biireen DFS

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ka hadlay Ciidamo dhawaan sheegay inay ka goosteen Jubbaland ayna ku biireen dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Xamar.

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inayย  jiraanka Cidamo uga biiray Dowladda Federaalka, balse aysan ahayn wax weyn.

    โ€œHorta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa jooga hal ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah, oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq, iyaguna waxay u tageen ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka taaganna ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar laโ€™aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga tagaan xarumahoodii, marka ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan, meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirtoโ€, ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

    210 askari oo ka tirsanaa ciidammada uu fadhigoodu yahay Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isla markaana hoostagta Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa la sheegay inay u goosteen dhinaca dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

    Dadka saadaliya Is-bedelada Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya ayaana rumeysan in talaabadaas ay dhabar jab ku aheyd Madaxweyne Farmaajo iyo Hamigiisii Soyaasadeed ee ku aadana in Is-bedel taageersan laga sameeyo Jubbaland, maadama uu nidaam beeleed adeegsada, si uu jajabiyo Midnimada Jubbaland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.