Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubbaland oo War cusub kasoo saartay Xariga Wasiir Janan+VIDEO
    Somalia

    Jubbaland oo War cusub kasoo saartay Xariga Wasiir Janan+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 28, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale waxaa uu si kulul uga hadlay xariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr bilood ka hor Magaalada Muqdisho ugu geysatay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

    Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan uusan aheyn dambiile,isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay siideyso.

    Waxaa uu ugu baaqay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay kaalin ka qaataan sidii loo siideyn lahaa Wasiirka Amniga Jubbaland oo tan iyo markii la xiray hal jeer kasoo muuqday Maxkamada Gobolka Banaadir.

    Ugu dambeyn, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegay in hadii la siideyn waayo Wasiirka cawaaqib xumada ka dhalata uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 31-dii Bishii Agoosto ee sanadkaan 2019 waxaa ay garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo xirtay Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, iyada oo lagu Eedeeyey xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.