Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubbaland oo war kasoo saartay xaalada Gobalka Gedo+VIDEO
    Somalia

    Jubbaland oo war kasoo saartay xaalada Gobalka Gedo+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 14, 2019Updated:November 14, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis 14-November-2019 shir gudoomiyahay shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada Jubbaland oo maanta qodobo kala duwan looga hadley.

    Shirka golaha wasiirada ee maanta ayaa diiradda lagu saarey xaaladihii uga danbeeyey ee Siyaasadda, Amniga iyo dhaqdhaqaaqyada kasoo cusboonaadey gobolka Gedo ee ku aadan duminta dhismaha haykalka maamul iyo ciidan ee halkaas kajira kaas oo ay DFS halkaas ka wado.

    Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo warbaahinta la hadley kadib kulanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Shacabka gobolka Gedo u adeegsanaayo Ciidamo Itoobiyaan.

    Maxamuud Sayad Aadan ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Ciidanka Itoobiya iyo Nabad suggida Soomaaliya ay falal ka baxsan Sharciga ka waddaan gobolka Gedo, islamarkaana ay nasiib daro weyn tahay in maanta Madaxweyne Farmaajo Jubbaland u adeegsado Ciidamo Itoobiyaan.

    Waxaa uu xusay in cabasho ay u gudbin doonaan dowladda Itoobiya iyo beesha Caalamka oo ku aadan Burburinta gobolka Gedo ay ka waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    https://www.facebook.com/JLTVOfficial/videos/572475030191623/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.