Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo Maanta su’aalo lagu waydiiyay Wasiirka Cadaalada
    Somalia

    Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo Maanta su’aalo lagu waydiiyay Wasiirka Cadaalada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 10, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, Luuliyo 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, isagoo Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta wax-ka-baddelka xeerka nootaayooyinka taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, geedi socodka wax ka bedelka, baahida keentay wax-ka-baddelka iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

    Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka wax-ka-beddelka xeerka ee Golaha horyaal. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada si ay ugu sameeyaan akhriska labaad.

    Dhinaca kale, waxaa fadhiga maanta Golaha hor-yimi Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo hawl-wadeenno ka tirsan wasaaradda.

    Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta Hindise-Xeereedka Sumadaha Ganacsiga Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka hindise-xeereedka, geedi socodka uu soo maray, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee ka dhalanaysa, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

    Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasaaradda Hindise-xeereedkan oo Golaha horyaala, Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada.

    -DHAMMAAD-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.