Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kaydka Hubka ee Madaxtooyada Xamar oo lagala baxay Gaadiid iyo saanad Milatari
    Somalia

    Kaydka Hubka ee Madaxtooyada Xamar oo lagala baxay Gaadiid iyo saanad Milatari

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 15, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hanti isugu jirta gawaari, agab kala duwan, iyo hub ayaa la sheegay in lagala baxay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay si xooggan u socotay arrintan.

    Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubno ku dhow Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay ka dambeeyaan hantida lagala baxay Madaxtooyada, kuwaasoo qaarkood ahaa.

    Gaadiid ay ka mid yihiin kuwa aanay xabadaha karin, gaadiidka ciidamada iyo hub ayaa la sheegay in lagala baxay Keydka hubka ee Madaxtooyada oo ah Keydka 3aad ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

    Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay ku lug leeyihiin xubno ku dhow Xasan Sheekh, saraakiil iyo shaqsiyaad kale oo la sheegay in madaxtooyada ka tirsan yihiin

    Inkastoo aanu Madaxweyne Farmaajo la wareegin Madaxtooyada, hadana waxaa maalmahan socotay hadal heynta la xiriirta arrintan oo u muuqata mid looga faa’ideysanayo kala guurka.

    Arrintan ayaa wali wax war ah ka soo saarin Hanti dhowrka guud ee Qaranka, waxaana arrintan walaac ka muujiyay qaar ka mid ah Xildhibaanada.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.