Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya iyo Jabuuti oo ku loolamaya Kursi kamid ah Golaha ammaanka QM
    Somalia

    Kenya iyo Jabuuti oo ku loolamaya Kursi kamid ah Golaha ammaanka QM

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 12, 2019Updated:August 12, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa loolan  adag ugu jira helida kursi ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo dhexyaalla Wadamada africa.

    Dowladaha Afrika oo uu horyaallo kursigaan ayaa waxaa loolan ugu jira labadaasi dowladood e Kenya iyo Jabuuti,waxaana Kenya iyo Jabuuti midba midka kale uu ka dalbaday in uu u tanaasule, hayeeshee aysan weli suurta-gelin.

    Jabuuti iyo Kenya ayaa codsiga ku aadan helista kursiga waxaa ay u gudbiyeen Qaramada Midoobey Ururka Midowga Afrika,waxaana cidda ku mataleysa Afrika kursigaan la filayaa in Bishan ay goโ€™aamiyaan Midowga Afrika.

    Uhuru Kenyatta ayaa bishii la soo dhaafay qaabilay 18 Hoggaamiye oo caalami ah, waxaana uu doonayaa in Kenya lagu gacansiiyo kursiga Golaha amaanka iyo sidoo kale doodda kala dhaxeysa Soomaaliya.

    Dowladda Kenya ayaa sababaha ku kalifay loolanka adag ay u galeyso kursi ka mid ah QM ayaa la sheegay inay tahay mid ay ku dooneyso inay ku hesho dano siyaasadeed ay leedahay iyo inay ku xalaaleysato Biyaha Soomaaliya.

    Sidoo kale Kenya ayaa qabta hadii ay Kursigaas hesho in wax badan ay iska beddelayaan Dacwadda muranka dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya taas oo haatan hortaalla Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.