Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis Ganacsi oo ballaaran
    Somalia

    Kenya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis Ganacsi oo ballaaran

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kenya iyo Midowga Yurub,ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi dhaqaale oo weyn (EPA) kaas oo dammaanad qaadi doona in Waddanka ku yaalla Bariga Afrika uu canshuur la’aan iyo gelitaanka aan xadidneyn ee badeecadaha la soo xulay uu gaarsiiyo Midowga Yurub, oo ah Suuqa ugu weyn ee dhoofinta.

    Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula Von Der Leyen ayaa ku sugnaa xaflad lagu saxiixayay magaalada Nairobi.

    “Udub-dhexaadka heshiiskan ayaa ah rabitaankayaga inaan lacag dhab ah gelinno jeebabka dadka caadiga ah: beeralayda, xirfadleyda iyo haweenka, farsamayaqaannada, gaadiidleyda iyo noocyada kale duwan ee shaqaale ee ka qaybqaata wax soo saarka, gaadiidka isaga iyo gaarsiinta halka u dambeeya macaamiisha alaabaha kala duwan ee ay khusayso saxiixa heshiiskan,”Ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

    Kenya waxaa looga baahan yahay in ay ka jawaabto iyada oo si tartiib tartiib ah suuqeeda u fureysa wax soo saarka Midowga Yurub.

    Midowga Yurub waa halka ugu horraysa ee dhoofinta Kenya iyo la-hawlgalayaasha labaad ee ugu weyn ganacsiga, wadarta guud kaas oo dhan $3.6 bilyan ee ganacsiga 2022 – koror 27% ah marka loo eego 2018.

    Labada baarlamaan ee EU iyo Kenya waa inay ansixiyaan heshiiska si uu u dhaqan galo.

    EPA,ayaa markii hore loogu talagalay xubnaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) laakiin dhammaan dalalka ku jira ururka gobolka, ayaa heshiiska ka baxay 2014-kii

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.