Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo 10 Askari looga dilay weerar
    Somalia

    Kenya oo 10 Askari looga dilay weerar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalamsyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas-uuliyadda qarax ka dhacay gudaha gobolka ay Soomaalidu dagto ee NFD.

    Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa askar ka tirsaneed booliska sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Kenya ka soo gaaray qaraxaas sida ilo kala duwan ay noo xaqiijiyeen, hayeehee Al-Shabaab ayaa war kooda ku sheegtay in ay ku dileen ilaa 10 askari oo ka tirsanaa booliiska Kenya.

    Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya, waxa uu ku haleelay inta u dhaxeysa deegaanada Kulan iyo Libooye Kenya oo hoos taga degmada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

    “Ugu yaraan 10 askari oo ka tirsanaa booliska Kenya ayaa lagu dilay qarax haleelay baabuurkooda oo marayey meel u dhow xuduudda Soomaaliya sabtidii”, ayuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ee ka howlgala gobolka waqooyi bari.

    Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kale oo qaraxaas ka soo gaaray ciidamada Kenya, balse lama cayimin tiradooda rasmiga ah, sida uu qiray sarkaalka Kenyanka ah ee u waramay Reuters.

    Kenya ayaa ka mid ah wadamada Afrika ee ciidamada nabadd ilaalinta ah ay ka joogaan Soomaaliya, hayeeshee wixii ka dambeeyay markii ay ciidamadeedu gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya, waxaa si joogto ah gudaha dalkaas weerarro uga geysta dagaalamayaasha Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.